4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Tartan kubada cagta oo lagu maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Waxaa si rasmi ah galinkii danbe ee maalintii shalay oo Khamiis aheyd uga furmay magaalada Baladweyne Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamusayo bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle ( Yaani) oo ka hadllay furintaanka tartarkan ayaa sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan ilaa 14 kooxood oo ka kala socda Afarta xaafadood ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne, isaga oo intaa ku darray in uu socon doono inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

"Tartanka waxaa suurta-galiyay qabashadiisa xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, iyaga ayaa koobkan dhigay, islamarkaana bixinaya wixii tasiilaad ah ee  ku baxaya tartarka mudada uu socdo ayuu yiri,’’ guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan Cabdikariin Xasan.

Waxaa uu ku booriyay kooxaha ka qeyb-qaadanaya tartanka in ay la yimaadaan asluub, cayaar wanaag, anshaxa oo la ilaaliyo, iyo in laga fogaado  gacan ka hadalka mar marka qaar dhaxmara cayaartooyada maadaama lagu guda jiro bisha Ramadaan.


Sidoo kale waxaa isagana ka hadllay furintaanka tartanka Xiireey Axmed Rooble oo ah xubin ka tirsan guddiga xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in tarmada noocan oo kale ah yihiin kuwo inta badan la qabto marka la gaaro bisha Ramadaan, isaga intaa ku darray in wax lagu farxo tahay in ilaa 14 kooxood oo kubada cagta kana dhisan magaalada Baladweyne ku tartamaan koobka lagu maamuusayo bisha Ramadaan.

"Tartamada la qabto bisha Ramadaan inta badan waa kuwo ka dhaca gobollada dalka, ujeedada laga leeyahayna wax kale ma’aha oo waa in ay dhalnyarrada ku kulmaan, isku bartaan, loogana shaqeeyo is dhaxgalka bulshada, sidaa daraadeed waxaan leeyahay cayaartooyda mar walba waa in aad ku dadaashaan ilaalina anshaxa, waana talaabo hormar ah in magaalada Baladweyne lagu qabto tartan kubada cagta oo ay ka qeyb-qaadanayaa kooxo tiradaa la eg oo waliba heerka kuwaad ah,,’’ ayuu yiri Xiireey Rooble.

Lugtii ugu horeysay furitaanka tartanka waxaa ay cayaar xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen dad ka kala yimid xaafadaha degmada dhaxmartay kooxaha Laabka iyo Isbartiibo City, iyadoo 1-0 ay guushu ku raacday kooxda Isbartiibo City.

Guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan ayaa siweyn isugu howlay dib u soo nooleyta kooxihii kubada cagta gobollka, waxaana marar badan magaalada Baladweyne lagu qabtay tartamo kala gadisan oo ay ka qeyb-qaadayeen kooxaha ka dhisan magaalada Baladweyne.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya