4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Dowladda KMG, Puntland iyo Mareykanka oo cambaareeyay Weeraradii Gaarisa iyo Afduubyada Shaqaalaha Gargaarka
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Dowladda KMG, maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 17-qof ayna ku dhaawacmeen 50-qof iyo afduubyada shaqaalaha gargaarka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo isagoo Nairobi ku sugan la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weeraradaas ay mas'uul ka tahay Al-shabaab ayna ahaayeen kuwo wuxuushnimo ah, isagoo xusay inay DKMG ah cambaareynayso.

"Weerarkaas iyo afduubyada ka dhacaya Kenya waxaa mas'uul ka ah Al-shabaab, waxaana ku baaqaynaa in dagaal wadajir ah lala galo," ayuu ra'iisul wasaaruhu yiri isagoo sheegay in Al-shabaab ay khatar weyn ku tahay ammaanka Bariga Afrika.

Maamulka Puntland ayaa isaguna warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay aad uga xun yihiin weeraradii ka dhacay magaalada Gaarisa iyo afduubyadii loo geystay shaqaalaha samafalka.

"Puntland waxay cambaareynaysaa qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday dadka shacabka ah iyo afduubyada shaqaalaha gargarka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntlnad.

Mas'uuliyiinta Puntlad waxay ku tilmaameen weerarkii lagu qaaday kaniisadaha ku yaalla magaalada Gaarisa inay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu abuuro shaki soo dhexgala shacabka ku nool Kenya.

"Waxaan aaminsannahay in weerarkan iyo afduubka shaqaaalaha samafalka ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo howlaha samafalka ah ee ka socda xeryaha qoxootiga iyo kuwo lagu doonayo inay dadku u diraan qaab diineed," ayay Putland ku sheegay qoraalkeeda.

Sidoo kale, warsaxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarkii kaniisadaha Kenya, afduubkii iyo dilkii shaqaalaha gargaarka ay muujinayaan inaan la xushmeynayn sharafta iyo nolosha bani'aadamka, waxaana la codsaday in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay falalkaas.

Maxamed Cismaan oo ah wiil Soomaaliyeed oo cilmiga kambiyuutarka ka barta Nairobi ayaa weerarkii ka dhacay Gaarisa ku tilmaamay mid aad u fool xun isagoo yiri: "Waxaa maxay sababta loo dilayo dad aan waxba galabsan, dad cibaado ku jiray? Ma garanayo waxa xigi doona."

Dadweynaha Kenyanka ah ayaa waxay baqdin weyn ka qabaan in falalkan ay abuuraan dilal u dhexeeya dadka diimaha kala duwan haysta ee Kenya ku nool, iyadoo maanta ay degmada Gaarisa booqdeen xubno uu ka mid yahay ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya