4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Ciidamada DKMG iyo kuwa Kenya oo sheegay inay howgal xalay dhacay ku soo furteen Samafalayaal laga Afduubay Dhadhaab

Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadlay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaliya ayaa sheegay Isniinta maanta ah in howgal ay si wadajir ah xalay u sameeyeen kusoo furteen afar ruux ajnabi ah kuwaasoo saddex maalmood ka hor laga afduubay xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

Afartaan ruux oo kala ahaa laba rag ah iyo laba dumar ah ayaa u shaqeynayay hay'adda NRC, waxayna u kala dhasheen dalalka Bakistaan, Norway, Canada iyo Turkiga, iyadoo kooxihii afduubay ula tallaabeen Soomaaliya.

"Cidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya ayaa howlagl ay sameeyeen xalay kusoo furtay shaqaalahan samafalka ah," ayuu yiri Col. Cabdullaahi Macallin oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG ah ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaalku wuxuu sheegay in shaqaaluhu ay caafimaad qabaan, wax dhibaato ahna aan loo geystay maalmihii ay gacanta afduubayaasha ku jireen, isagoo sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku hayaan shaqaalahaas.

"Howlgalka lagu soo furtay afartan samafalayaasha ah wuxuu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya, waxaana howlgalka ku dhintay mid ka mid ah afduubayaasha," ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya, Cyrus Oguna oo saxaafadda kula hadlay Nairobi.

Samafalayaashan ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo dalka Kenya, halkasoo ay ku qaban doonaan shir jaraa'id oo ku saabsan habkii loo afduubay, sidii loola dhaqmay iyo goobihii lagu hayay intii ay afduubnaayeen.

Waa markii ugu horreysay oo shaqaale ajnabi ah oo laga soo afduubay Kenya xoog lagu furto, iyadoo xukuumadaha Kenya iyo Soomaailya ay ku eedeeyeen afduubkan xoogagga Al-shabaab, balse ma jirto hadal arrintan ku saabsan oo dhinaca Shabaab kasoo baxay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya