4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Shir lagu horumarinayo Duulista Hawada Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Montreal ee dalka Kanada


Xubnaha guddida hagta arrimaha duulista Soomaaliya. Bidix: Eng. Kaamil A. Olol Diinle, Peter Noad, Axmed Dalal Faarax (Wii Waa) iyo Romain Ekoto.


Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Shirkii shanaad ee guddida haga arrimaha duulista Soomaaliya (Steering Committee) ayaa lagu qabtay magaalada Montreal ee xaruunta hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO (International Civil Aviation Organization) 28-kii bishii lasoo dhaafay ee Juun.

Guddiga shirkaan ka qayb-gashay ayaa kala ahaa: Inj. Maxamed-Kamil A. Olol Diinle (TFG Somalia), Axmed Dalal Faarax (Somaliland), Peter Noad (ICAO/TCB). Waxaa sidoo kale shirkan uga qayb-galay khadka taleefoonka agaasimaha mashruuca CACAS (Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia) Kemoitse J. Mosupukwa  iyo madaxa hay'adda UNDP Soomaaliya, David M. Clapp.

Kulankan oo uu shir-guddoomiye ka ahaa agaasimaha waxaad duulista ee Somaliland, Axmed Dalal Faarax (Wii Waa) ayaa waxaa is weyn loogu falanqeeyey sidii maamulka loogu soo wareejin lahaa mashruuca CACAS oo illaa 1996 ay gacanta ku haysay maamulka duulista hawada Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya mashruuca CACAS.

Mashruucan CACAS (Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia) oo ay xaruuntiisu tahay magaalada Nairobi ayaa waxaa si wadjir ah u aasaasay hay'adda UNDPda iyo Hay'adda ICAO sannadkii 1996 si loo daryeelo ammaanka dayaaradaha dul mara hawada dalka Soomaaliya ka dib markii ay burburtay dowladdii dhex ee dalka Soomaaliya

Mashruuca CACAS ayaa lagu eedeeyay maamul xumo iyo inay lunsadeen dhaqaale wax lagu horumarin lahaa duulista hawada Soomaaliya (Somali Civil Aviation) sida ku cad warbixin aan wali la shaacin oo ay soo diyaariyeen guddiga  "Technical Audit Report" oo baaritaan ku sameeysay mashruuca CACAS.

Shirkan ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo ay ka mid yihiin in heshiis cusub lala galo dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka hawl-gala mashruuca CACAS si kor loogu qaado mushaarkooda iyo wixii daryeel ah (Genuine contracts with benefits and pension system). Sidoo kale waxaa la go'aansaday in lasoo xulo guddi farsamo oo ku meel gaar ah (Transitional Technical Team) kuwaasoo u gogol-xaara sidii maamulka mashruuca CACAS loogu soo wareejin dalka Soomaaliya.

Injineer Kaamil iyo Axmed Wii Waa oo u warramayay Hiiraan Online ayaa sheegay in shirkan uu ahaa kii ugu wanaagsanaa oo ay qabtaan guddiga haga maamulka arrimaha duulista hawada Soomaalia. Waxayna intaa ku dareen in shirkan ay kasoo baxeen go'aano waxtar u leh shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howl-gala mashruuca CACAS.


Axmed Dalal Faarax (Wii Waa), Raymond Benjamin (Secretary General of ICAO) & Eng.Kaamil A. Olol Diinle


Ugu dambeyntii, Inj. Kaamil iyo Axmed Wii Waa ayaa waxay shir-gaar ah xafiiskiisa kula qaateen xoghayaha guud ee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO, Mr. Raymond Benjamin. iyagoo kala hadlay sidii loosoo af-jari lahaa mashruuca CACAS. 

Mr. Benjamin ayaa mas'uuliyiinta u ballan-qaaday inuu meel-marin doono dhammaan qodobbada kasoo baxay shirka shanaad ee looga hadlay arrimaha duulista hawada ee Soomaaliya.

Guddiga haga arrimaha duulista hawada Soomaaliya ayaa waxay ka kooban yihiin: dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo xubno ka socda CACAS, UNDP iyo ICAO/TCB.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu ballamay inuu ka dhaco shirka lixaad ee guddiga hagta arrimaha duulista hawada Soomaaliyeed.

Axmed Gure, Hiiraan Online
[email protected]