3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2012
Hay'adda CRD oo Muqdisho ku qabatay Dood-wadaag looga hadlayay Marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro

Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dood wadaaggii u horreeyay oo shacabka ay kaga doodaan marxalada kala guurka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda dowladda KMG, wasiiro, xildhibaanno, haweenka iyo culumaa'udiin ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay, iyadoo dooddan inteeda badan looga hadlay doorka haweenku ku leeyihiin hoggaanka dalka iyo siyaasadda.

Dood-wadaaggan oo ay soo qaban-qaabisay hay'aadda Cilmi-baarista iyo Wada-tashiga (CRD) ayaa xubnihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa ra'iisul wasaaraha DKMG ah wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas, wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, wasiirada haweenka iyo arrimaha qoyska, Maryan Aweys Juma, marwada ra'iisul wasaaraha, Hodan Saciid Ciise, haween horay uga soo mid noqday dowladihii hore iyo haween saraakiil ahaa iyo ururrada haweenka.

Madaxa hay'adda CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in kulankan uu muhiim u yahay in diiradda lagu saaro doorka haweenka, isagoo ka dhawaajiyay in haweenka soo mareen dhibaatooyin badan.


Jibriil Ibraahim ayaa tilmaamay in hay'adda CRD ay bilowday dood-wadaag ay markii ugu horreysay shacabka Soomaaliyeed ka qayb-gelineyso, kaasoo looga hadlayo marxalada kala guurka, isagoo caddeeyay inay muhiim tahay in xuquuqda haweenka la muujiyo.

Sidoo kale, wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh oo ka hadlay doodda ayaa xusay in xuquuqda haweenka ay tahay lama taabtaan, isagoo sheegay in haweenku ay ku leeyihiin dowladda 30% taasoo ah lama taabtaan.

Su'aalaha kulanka dood-wadaagga oo ahaa mid si saraaxad leh ku socday ayaa haweenkii ka qayb-galayay ay su'aalo weydiinayeen mas'uuliyiinta iyo culumadii ka qaybgalay doodda, iyadoo su'aalaha qaar lagu cabirayay waxay diinta Islaamka ka qabto in haweenku ay hoggaan ama madaxweyne dal ka noqoto.

Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah culumaa'uddiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in haweenka ay tahay in la qadariyo, isla markaana xuquuqda haweenka yahay mid lagu cadeeyay axaadiista iyo Qur'aanka Kariimka, isagoo sheegay in looga baahan yahay in wixii Islaamku u xadeeyay loo ogolaado haweenka.


Marwada ra'iisul wasaaraha, Hodan Saciid Ciise ayaa taageertay qoondada haweenka laga siiyay inay ku yeeshaan siyaasadda Soomaaliya oo ah 30%.

Batuula Sheekh Axmed Gabale oo u ololeysan xuquuqda dumarka ayaa sheegtay in jiritaanka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro haweenka, iyadoo xustay in marka guriga la joogo ay haweenka hoggaanka hayaan, cuntadana ay kariyaan, marka mansab la qaybinayana ay tahay in loo dhiibo hoggaanka.

Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo iyaduna hadashay ayaa ugu baaqday haweenka inay fadhiga ka kacaan oo ay xilalkoooda raadsadaan intii ay guryahooda fadhin lahaayeen, iyadoo caddeysay in haween walba ay beesheeda u tagto, iyadoo goobta ka sheegtay in iyada markii ay beesheeda u tagtay ay xildhibaanimo kasoo heshay.

Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah, Maryan Aweys Juma oo iyana doodda ka hadashay ayaa sheegtay in wasaaraddeeda ay dul taagan tahay inay haweenku helaan xuquuqdii horay loogu qoondeeyay, sidoo kalena dumarku ay u istaagaan sidii ay xaqoodaas u dhacsan lahaayeen.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaaday in haweenka ay xuquuqdooda heli doonaan, waxaana su'aalaha lagu weydiinayay ra'iisul wasaaraha ka mid ahaa in dowladda KMG ay saxiixdo in haweenka sidii looga talo-galay ay xuquuqdooda u helaan, taasoo uu sheegay inay diyaar yihiin, haweenkana ay door wanaagsan ku leeyihiin bulshada.

Dhinaca kale, hay'adda CRD ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda doodo u qabato musharaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo madaxda haya'ddu ay sheegeen in codsigaas ay ka aqbaleen murashaxiinta iyo inay sidoo kale kulan dood-wadaag ah u sameyso madaxda dowladda KMG ah xilli ay dhaceyso doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya.

Dood-wadaagga ay CRD u qabatay haweenka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho lagu qabto, iyadoo doodda ay xiiso u yeelayeen sida ay haweenku diyaarka ugu yihiin inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalkooda iyo sidii dowlad joogto ah lagu heli lahaa.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Duqa degmada Baladweyne ee maamul gobolka Hiiraan Max’ed Xassan Nuuriye oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadka dhaqaallahoodu wanaagsan yahay in ay caawiyaan bisha Ramaadaan dadka ku dhibaateysan xareyahay barakacayaasha magaalada Baladweyne.

7/17/2012 8:47 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka socda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay walaac ka muujinayaan dagaallada.

7/17/2012 8:46 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — golaha Wakiiladda ayaa isku raacay qaabkii ay golaha guurtiddu usoo jeediyeen in lagu galo Doorashadda golaha deegaanka, taas oo ka hor imanaysa qaabka ay rabeen in lagu galo doorashadda Guddidda Doorashooyinka Somaliland.

7/17/2012 8:44 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

7/17/2012 5:56 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Labo qarax oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka dhashay miinada meelaha fog laga hago ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/17/2012 5:53 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay sargaal sare oo katirsan Al-shabaab.

7/17/2012 3:19 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga, Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dhagax-dhigay raadeer cusub oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

7/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacya deegaan Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.

7/17/2012 3:07 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Guddi farsamo oo ka shaqayn doonta horumarka iyo baahiyaha magaalada Hargeysa ayaa shir ku yeeshay hotel Crown ee Hargeysa kaga hadlay horumarinta magaalada, kuwaasoo kasoo saaray baaq ku aadan in nin aan reer Hargeysa ahayn uusan isku soo sharaxi karin golaha deegaanka Hargeya inta caasimadda loo samaynayo xeer u gaar ah oo ka duwan magaalooyinka kale.