4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2012
Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageeray qaabkii ay soo jeediyeen in doorashadda lagu galo golaha Guurtidda
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — golaha Wakiiladda ayaa isku raacay qaabkii ay golaha guurtiddu usoo jeediyeen in lagu galo Doorashadda golaha deegaanka, taas oo ka hor imanaysa qaabka ay rabeen in lagu galo doorashadda Guddidda Doorashooyinka Somaliland.

Guddidda doorashooyinka ayaaa golaha baarlamaanka usoo gudbiyey  wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka si ay u fududaato hawlaha hor yaalla guddidda, balse soo jeedintaasi Komishanka Doorashooyinka waxa ka hor yimid golaha Guurtidda oo diiday qaabkay soo jeediyeen, iyagoo sheegay in xeerka ka hor imanayso, isla markaana ku jahawareerayaan codbixiyeyaashu, waxaanay xeerkaasi dib ugu soo celiyeen golaha Wakiiladda oo markii hore xeerka u ansixiyey qaabka Komishanka doorashooyinka u rabeen.

Haseyeeshee, markii xeerkan dib ugu soo noqday golaha Wakiilada ayaa dib u eegeen una ansixiyeen qaabkii ay u ansixiyeen golaha Guurtidda, iskuna waafaqay soo jeedintii golaha Guurtidda.

Qaabkan doorashadda loo galayo ee ay doonayeen guddida Doorashooyinku ayaa ahaa in astaantii hore ee qofka musharaxa ahi ku gali jiray doorashooyinka lagu bedelo Lambar, haseyeeshee waxa arrinnkaasi diiday golaha Guurtidda oo sheegay in aanay macquul ahayn in lambar lagu galo balse ansixiyey in astaan lagu galo, iyagoo dib ugu soo celiyey golaha Wakiladda.

Hadaba, golaha Wakiiladda ayaa u ansixiyey qaabkay golaha Guurtiddu rabeen oo ah in astaan lagu galo, taasina waxay ka hor imanaysaa qaabkii ay komishanka doorashooyinku doonayeen.

Fadhigii golaha Wakiiladda oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod gacan taag ah ku kala saaray soo jeedintii golaha Guutidda iyo tii guddidda Doorashooyinku rabeen, waxaanay taageereen qaabkii golaha guurtiddu usoo dhigeen xeerkan.

“Xeerkani waxa uu ku ansaxmay sidii ay uu ku soo jeediyeen golaha Guurtiddu”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cirro oo sheegayey natiijaddii ka soo baxay codkii loo qaaday qaabka loo galayo doorashooyinka oo ah in astaan lagu gallo.

Xeerkan doorashooyinka ee wax laga bedelayey ayaa hore waxa golaha Wakiiladdu u ansixiyey siday rabeen komishanka Doorashooyinku, balse markii la isku khilaafay ee golaha Guurtiddu dib ugu soo celiyey Wakiiladda, tallo soo jeedina ku sameeyey xeerkan ayaa golaha wakiiladdu dib u eegay una ansixiyey sidii uu golaha Guurtiddu rabay, haseyeeshee qaabkan imika la ansixiyey ayaa hore waxa caqabad ku tilmaamay guddiddda Doorashooyinka oo iyagu soo qorshaystay qaabka ay doonayeen inay doorashadda lagu gallo, balse waa lagu diiday qorshahoogaasi.

Dhinaca kale, guddida dhaqalaha ee golaha Wakiiiladda ayaa u yeedhay wasiirka Duulista hawaddaa si ay wax uga waydiiyaan lacag la sheegay in lagu dalacay dadka dhoofaya ama soo degayo oo aan ku jirin sharciga, waxaanay labadda dhinac ka wada hadleen arrintan iyo sharciyadeeda.

Haseyeeshee, wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markii kulanka ka soo baxeen u sheegay warbaahinta in arrintaasi siday wax u jireen uga warameen guddidda dhaqaalaha, isla markaana aanay jirin lacag cashuur ah oo ay xukumaddu ku soo rogtay dadka ka dhoofa ama soo degga garoomadda Somaliland, waxaase uu sheegay inuu soo kordhay adeeg amniga garoomadda lagu hagaajinayo oo ka madax banaan dawladda, balse guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Maxamuud Cumar Xaashi ayaa sheegay in wali wixi ay ka wada hadleen qaybi u hadhsan tahay, kulankana la sii waddi doonno Wixii ka soo baxana loo gudbin doonno gole weynaha Somaliland.

Lacagtan la sheegayo in lagu daray lacagtii la qaadi jiray ayaa ah toban dollar oo qof kasta oo shandadiisa la baadho laga qaadi doono, taas oo aan hore ugu jirin sharciyadda lacag qabashadda ee dawladda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland