3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2012
Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho

Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

Munaasabadda oo ka dhacday hoteelka Shaamow ayaa hadallo kala duwan ka jeediyay ardaydii qalinjabisay oo gabdho iyo wiil ahaa, mas'uuliyiinta jaamacadda qaarkood iyo marti-sharaf kale.

"Waxaan u mahadcelinayaa macallimiinta iyo maamulka jaamacadda Muqdisho oo ii suurogeliyay inaan maanta ka qalin-jabiyo kulliyadda dhaqaalaha, runtiina waa heer aan aad ugu faraxsanahay inaan soo gaaro," ayay tiri Xamdi Cumar Xasan oo ka mid ah ahayd ardaydii qalin-jabinaysay.

Diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo isaguna munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 40% ardayda jaamacadda dhigta ay yihiin gabdho.


"Jaamacaddu waxay tixgelin gaar ah siisaa waxbarashada gabadhaha," ayuu yiri Dr. Liibaan oo hadalkiisa raaciyay in ardayda jaamacadda ka baxay ay la socdaan isbedellada cilmiga ku imaanaya.

Ustaad Cali Daahir Maxamed oo ka mid ah mas'uuliyiinta jaamacadda Muqdisho ayaa hadal uu munaasabadda ka jeediyay ku yiri: "Maanta waxaa faraxsan bulshada oo dhan, sababtoo ah waxaa u soo qallin-jabiyay arday taqasusaad kala geddisan leh."

"Ardayda waxaan kula dardaarmayaa inaysan noqon kuwo cilmi leh oo aan waxba akhrin. Jaamacaddu waxay leedahay dhaqan wanaagsan oo wax la idinku soo baray, waxaa la idin kaga baahan yahay inaad u gudbisaan bulshada cilmiga aad barateen, aadna noqotaan dad leh ixtiraam iyo dulqaad," ayuu yiri Ustaad Cali Daahir.


Nasro Wehliye Maalin oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Nationlink oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in Jaamacadda Muqdisho ay soo celisay rajadii ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay arday fara badan ka qalin-jabiyeen.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay C/llaahi Cilmi Ibraahim oo ka yimid dalka Norway-Bergam ayaa sheeagy inuu ku faraxsan yahay munsaasabaddan qalin-jabinta ah, isagoo yiri: "Waxaad maanta i tusteen wax weyn oo aan jaaliyadda Norway aan uga sheekeyn karo."

Ugu dambeyn, hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho, C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan (Weha) oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku ammaanay ardayda qalin-jabiyay dulqaadkii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen muddadii afarta sano ahayd ee ay waxbarashada ku jireen, isagoo kula dardaarmay inay mujtamaha Soomaaliyeed uga faa'iideeyaan aqoontooda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dood wadaaggii u horreeyay oo shacabka ay kaga doodaan marxalada kala guurka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda dowladda KMG, wasiiro, xildhibaanno, haweenka iyo culumaa'udiin ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay, iyadoo dooddan inteeda badan looga hadlay doorka haweenku ku leeyihiin hoggaanka dalka iyo siyaasadda.

7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Duqa degmada Baladweyne ee maamul gobolka Hiiraan Max’ed Xassan Nuuriye oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadka dhaqaallahoodu wanaagsan yahay in ay caawiyaan bisha Ramaadaan dadka ku dhibaateysan xareyahay barakacayaasha magaalada Baladweyne.

7/17/2012 8:47 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka socda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay walaac ka muujinayaan dagaallada.

7/17/2012 8:46 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — golaha Wakiiladda ayaa isku raacay qaabkii ay golaha guurtiddu usoo jeediyeen in lagu galo Doorashadda golaha deegaanka, taas oo ka hor imanaysa qaabka ay rabeen in lagu galo doorashadda Guddidda Doorashooyinka Somaliland.

7/17/2012 5:56 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Labo qarax oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka dhashay miinada meelaha fog laga hago ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/17/2012 5:53 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay sargaal sare oo katirsan Al-shabaab.

7/17/2012 3:19 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga, Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dhagax-dhigay raadeer cusub oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

7/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacya deegaan Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.

7/17/2012 3:07 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Guddi farsamo oo ka shaqayn doonta horumarka iyo baahiyaha magaalada Hargeysa ayaa shir ku yeeshay hotel Crown ee Hargeysa kaga hadlay horumarinta magaalada, kuwaasoo kasoo saaray baaq ku aadan in nin aan reer Hargeysa ahayn uusan isku soo sharaxi karin golaha deegaanka Hargeya inta caasimadda loo samaynayo xeer u gaar ah oo ka duwan magaalooyinka kale.