3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Farmaajo oo ka jawaabay warbixintii qaramada midoobay
Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si deggan uga jawaabay warbixintii qaramada midoobay ay soo saartay ee qaar kamid hogaamiyayaasha dawlada ku eedaysay musuqmaasuq iyo lunsashada hantida qaranka.

Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa soo dhaweeyay warbixinta, wuxuuse beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay lunsiga lacag gaaraysa 3.5 milyan oo uu ku eedeeyay inay Ra'iisul wasaare Gaas inay ku maqantahay xukuumadii Farmaajo.

Farmaajo ayaa warbixinta qaramada midoobay ku tilmaamay inay tahay mid anfici doonta jiilasha soo socda.

Hoos ka akhriso nuqul kamid ah warsaxaafadeedka oo Hiiraan Online lasoo gaarsiiyay.

                    WAR SAXAAFADEED ( PRESS RELEASE)

 

Ujeedo: Jawaab ku aadan warbixintii ay soo bandhigeen guddiga qaramada midoobay u qaabilsan kormeerida Soomaaliya

1-      Waxaan soo dhawaynayaa warbixintii kasoo baxday gudiga kormeerayaasha qaramada midoobay u qaabilsan baaritaanada ku aadan musuqmaaqa ee arrimaha Soomaaliya, taasoo aan u arko inay tahay mid anfici doonta jiilalka dambe ee Soomaalida.

farmaajo.jpg

2-      Waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay sida faahfaahinta dheer leh ee ay gudigu isugu hawleen inay soo helaan kiisaska ku aadan mususmaasuqa, kuwaasoo intooda badan sidii la rabay daaha looga rogay.

3-      Baaritaannada la sameeyay oo aan ogahay in wakhti dheer iyo dadaalba lagu bixiyay waxay intooda badan ku guulaysteen inay soo helaan marxalada dhabta ah ee ay Soomaaliya marayso, taasoo ay ahayd mar hore inay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan.

4-      Waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inay akhriyaan oo si qoto dheer u fahmaan dhammaan qodobada warbixintan oo ay tahay in si fiican dadka loogu turjumo.


                                       Mawqifkayga ku aadan Musuqmaasuqa

Tan iyo markii aan bilaabay inaan ka shaqeeyo nidaam dawladeed laga soo bilaabo 1993 oo aan la shaqaynayay dawlada hoose, tan dhexe iyo tan gobolka ee New York, kana shaqaynayay ilaalinta xuquuqda dadka laga tiro badanyahay, waxaan waligeey ku dadaali jiray oo ay ogyihiin intii ila soo shaqaysay inaan ka hortago musuqmaasuqa oo aan ku dadaalo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka dadweynaha.

Waxaan bartilmaameedsanayay inaan Soomaaliya u soo celiyo sharftii iyo karaamadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka, anigoo bilaabay inaan Soomaaliya gaarsiiyo dhanka maamul wanaaga wadamada horumaray, tan iyo markii ay xilka Ra’iisul wasaarennimo aan qabtay sannadkii 2010ka.

                                      Dhisitaanka nidaamka Dawladnimo ee Soomaaliya

Markii aan la wareegay xilka  December  2010ka, Waxaan bilownay shaqo adag oo ay igala qaybgaleen dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaanna golihii xukuumadda.

1-  Waxaan ansixinay miisaanayad sannadeedka qaranka oo ahayd tii ugu horreysay ee muddo 20 sano ah, baarlamaanka la mariyo.

2-  Waxaan dib u bilownay mushaaraadkii dhammaan shaqaalaha dawlada, gaar ahaanna ciidamada qaranka oo markaas ay haysatay duruuf adag oo ay ugu horreyso mushaar la’aan raashin la’aan, daawo la’aan iyo hub la’aan, iyadoo aan bilownay daryeel guud oo aan siinayno ciidamada oo ay kamid tahay musharaadka xataa loo bilaabay dhammaan qoysaskii askartii ku geeriyooday dagaallada  ay dawladu kula jirtay kooxaha kasoo horjeeday

3-   Waxaan bilownay xoojinta ciidamada sirdoonka Soomaaliya, taasoo yaraysay qaraxyadii ka dhacayay Muqdisho, horseedna u noqotay in la jabiyo kooxihii kasoo horjeeday dawlada.

4-      Waxaan joojinnay diyaaradaha khaaska ah ee ay horay u qaadanjireen madaxdii naga horreysay, taasoo ay sannadkii malaayiin lacag ah Soomaaliya uga khasaari jirtay, annagoo ku badalnay in madaxda dawladu marka ay safrayaan ay  raacaan diyaaradaha shacabka, si loo badbaadiyo hantida qaranka.

5-      Waxaan yaraynay safarradii madaxda dawlada, marka laga reebo kuwa lagu fursan waayo, waxaanan lacag u qoondaynay safarrada masuuliyiinta dawlada oo awal ay bixin jireen hay’adaha qaramada midoobay, si loo adkeeyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo qarannimadeeda.

6-      Waxaan dib u dhisnay taleefishinkii qaranka oo muddo labaatan sano ka badan aan hawada soo galin, taasoo aan u isticmaalnay inaan shacabka u marino farriimaha wadaninnimada, keentayna markii dambe in dhammaan dadweynihii caasimadu ay ugu istaageen si iskood ah inay ula dagaallamaan kooxahihii dawlada kasoo horjeeday, ayna si toos ah isugu xirmeen shacabka iyo dawlada.

7-      Waxaan Dayactirnay oo qalabaynay Isbitaalka Martiini oo lagu xannaanaynayay ciidamadii dalka soo difaacay ee  ku dhaawacmay dagaalladii Soomaaliya ay la gashay wadamada dariska, kuwaasoo ay dawladu u soo celisay daryeel buuxa iyo xuquuqda ay ku lahaayeen dalkooda.

Anigoo hal meel ah aan ku  soo wada koobi karin waxyaabihii ay qabatay xukuumadeenii mudadii 6-da bilood ahayd , waxaan arrimahaas dhowrka ah uga taabtay in dhammaan waxyaabihii noo qabsoomay ay ku yimaadeen dagaalkii aan kula jirnay musuqmaasuqa, taasoo keentay in lacagihii markii hore ku dhici jiray jeebabka masuuliyiinta lagu qabtay adeegyo shacabku ay u baahnaayeen, iyadoo sidoo kalana horseeday kalsooni inay shacabku siiyaan dawlada.

Waxaana xusid mudan in dawlad wanaagii aan wadada u xaarnay inuusan socdeen haddii uu jiri lahaa musuqmaasuq.

                    Jawaabta igaga aadan warbixintii qaramada midoobay

Warbixinta nuqul kamid ah ayaa soo qaadanaya magacayga oo oranaya “ Ra’iisul wasaare C/wali Gaas ayaa u sheegay gudiga baarista in lacag dhan 3.5 milyan oo dollar oo kamid ah lacagtii ay dawladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday Soomaaliya, aysan soo gaarin oo ay lunsatay xukuumadii Farmaajo”.

1-      Qofkii si fiican u akhriyay warbixintaas wuxuu dareemi karaa inaysan jirin wax eedayn ah oo gudigaasi uu xukuumadaydii ku soo oogay.

2-      Sida ku xusan isla warbixintana waxaa lagu sheegay inaanan wax waraysi ah la igala yeelan arrinkaas, maadaama aysan guddigu arrintaas wax iga waydiinna taasi waxay muujinaysaa in gudigu ay waayeen cadayn ay ku qancaan, taasoo keeni lahayd in la ila soo xiriiro.

3-      Sida warbixinta lagu sheegayse waxaa jira eedayn ka timid walaalkey Ra’iisul wasaaraha C/wali Maxamed Cali Gaas oo wasiirna ka ahaa xukuumadaydii, isla markaana aan nahay saaxiib gaar ah, anigu ma aaminsani in eedayntaasi ka timid C/wali amaba ay tahay wax suuroobi kara, sidaa awgeed waxaan codsanayaa in mudane C/wali uu arrinkaas daahfuro uuna shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigo haddiiba ay jiraan cadaymo muujinaya in lacag intaas dhan ay ku maqantahay dhankayga, hadii uusan hadalkaa oranna uu shacabka u cadeeyo, waxaan ogahay in C/wali uu yahay nin aan muddo dheer aan is naqaanay, oo og halka aan ka taaganahay musuqmasuqa iyo lunsashada hantida qaranka, waxaan kaloo idiin cadaynayaa inuu kamid yahay dadka aan aadka u qadariyo oo laga yaabo xogta warbixinta ku qoran in lagu been abuurtay.

                                      Gabogabo


Dagaalka aan la galnay musuqmaasuqa xilligii xukuumadii Tayo,  waxaan aaminsanahay inuu laf dhabar u ahaa guulihii aan ka gaarnay dhinacyada dawlad wanaagga, guulihii ciidamada, koboca dhaqaale iyo siyaasadaba, taasoo igu abuurtay inaan dareemo in shacabkaygu u baahanyahay inaan sii wado shaqadii hakadka gashay, waana midaas tan igu kalliftay inaan isu soo taago xilka madaxweynenimo ee dalka, si aan idin kugu hogaamiyo cadaalad, sinnaan, midnimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo, taasoo noo suura galin doonta dhammaanteen innagoo gacmaha is haysanna inaan ka gudubno dhibaatooyinka dalkeena soo wajahay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaan ilaahay uga rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay helaan hogaan caadil ah oo kasoo saara dhibaatada dalka haysata iyo doorasho ku dhacda si xaq ah.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
7/16/2012 1:29 PM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Waxaa maanta albaabada loo laabay in badan oo kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland.

7/16/2012 9:47 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Kooxo sita labiska ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku toogtay degmada Afgooye ganacsade iyo wiil uu dhalay oo lagu kala magacaabi jiray, Cismaan Axmed Xuseen iyo wiilkiisa Maxamed Cismaan Axmed, kaddib markii ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaala bartamaha degmadaas.

7/16/2012 8:37 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar xaqiiqo raadis ah u tagay goboladda galbeedka Somaliland ee abaaruhu aad u dhibaateeyeen, kuwaas oo dad iyo duunyaba saamaysay, waxaanu caalamka iyo bulshadda ku booriyey inay gurmad u fidiyaan dadkaasi.

7/16/2012 8:31 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay inay difaacaynayso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasoo ay ku wajahan yihiin ciidamada Kenya ee ka mid noqday AMISOM, kuwa Dowladda KMG ah iyo xoogagga Raaskambooni.

7/16/2012 8:11 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub maanta u magacowday gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya oo ay ka kala taliyaan Ururrada Ahlusunna Waljmaaaca iyo Xarakada Al-shabaab.

7/16/2012 8:09 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaan ka qaybgalay shirka madaxda ururka Midowga Afrika uga socda Addis Ababa, iyadoo ay ilo wareedyo hoose sheegayaan inuu aad u xanuunsan yahay.

7/16/2012 6:33 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horayna u soo noqday wasiir ayaa ku dhintay qarax maanta oo Isniin ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir; iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen sideed qof oo laba ka mid ah ay la saarnaayeen gaariga.

7/16/2012 3:55 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay xabsi ku hayaan koox malleeshiyo ah oo gacanta ku haysa magaalada Misraata ee dalka Liibiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin lagu hayo.

7/16/2012 3:35 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxda ururka Midowga Afrika ayaa xalay u doortay in haweeney ay markii ugu horreysay hoggaamiso ururka Midowga Afrika, taasoo ah wasiirradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo dhowr wareeg oo doorasho ah kaga guleysatay hoggaamiyihii Midowga Afrika, Jean Ping oo u dhashay dalka Gaaboon.

7/16/2012 2:55 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inay heer gabo-gabo ah marayaan howlaha looga gudbayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in howshan ay ku dhammaanto xilligii loo qabtay.