4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Dowladda Soomaaliya oo Maamul u Magacowday Gobolka Galguduud oo ay ka kala taliyaan Ahlusunna iyo Al-shabaab
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub maanta u magacowday gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya oo ay ka kala taliyaan Ururrada Ahlusunna Waljmaaaca iyo Xarakada Al-shabaab.

Xaflad ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMg ah ayaa looga dhawaaqay magacyada mas'uuliyiinta ay dowladdu u magacowday gobolkaas.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud ayaa lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, taasoo lagu sheegay inu soo jeedinta lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa waxaa loo magacaabay: Axmed Yuusuf Xasan (Ciyoow) iyadoo guddoomiye ku xigeen loo magacaabay, Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim, halka guddoomiyaha degmada Dhuusomareeb looga magacaabay Macallin C/raxmaan Geedo-qorow iyo guddoomiyaha degmada Guriceel oo loo magacaabay Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

"Gobolka Galguduud waxaa ka dhacay dhibaatooyin ay dadka iyo dabeecada sabab u yihiin sida dagaallo soo laalaabtay, abaaro iyo biyo la'aan, waxaana dowladda KMg ah ka codsanaynaa inay caawiso dadka gobolkaas ku nool," ayuu yiri Ciyoow.

Sidoo kale, shacabka ku nool gobolkaas ayuu ka dalbaday inay xilka loo dhiibay ku siiyaan gacan, isagoo sheegay in maamulkiisa ay ka go'an tahay wax ka qabashada dhinacyada ammaanka iyo horumarinta gobolka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo sidii ammaanka uu wax uga qaban lahaa, sidoo kalena uu ka shaaqeeyo sidii dowladda KMG ah iyo shacabka ku nool gobolkaas ay wada-shaqeyn u dhexmari lahayd.

"Magacaabista guddoomiyaha gobolka Galguduud iyo mas'uuliyiinta kale waxay ku yimaadeen rabitaanka shacabka ku nool gobolkaas iyo ogolaashaha Ahlusunna, xubnaha dhimanna waxaan sugaynaa inay ka yimaadeen dadweynaha," ayuu Wasiirku yiri.

Deegaannada maamulka loo magacabaay ayaa waxay ku yaallaan dhinaca ay ka taliso Ahlusunna oo xiriir la leh dowladda KMG ah, iyadoo aanay jirin mas'uuliyiin loo magacaabay degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.

Inkastoo Ahlusunna aysan ka hadlin go'aankooda ku aaddan magacaabistan ayaa haddana mas'uuliyiinta ay dowladdu magacowday ayaa dhammaantood ah kuwii Ahlusunna ay horay gobolkaas ugu magacaabeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya