4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada Weerarkaas
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horayna u soo noqday wasiir ayaa ku dhintay qarax maanta oo Isniin ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir; iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen sideed qof oo laba ka mid ah ay la saarnaayeen gaariga.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir, Warasme Maxamed Xasan (Joodax) oo saxaafadda kula hadlay agagaarka bacadlihii hore ee Xamarweyne oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay ku ogaadeen baaris ay sameeyeen in qaraxu ahaa mid loogu xiray gaariga.

"Xidhibaanka isaga ayaa watay gaariga waxaana qaraxu uu ka dhacay kursiga uu ku fadhiyay hoostiisa, laba qof oo gaariga la saarnaana dhaawacyo kala duwna ayaa soo gaaray," ayuu yiri Warsame Joodax.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay xildhibaanka, waxaana warsaxaafadeed ay soo saartay ay ku sheegtay in weerarkan uu digniin u yahay madaxda dowladda, ayna meel walba oo dalka ka mid ah ku beegsan doonaan cid walba oo dowladda la shaqeysa.

Ehellada marxuumka ayaa u sheegay HOL in dilka xildhibaanku uu ahaa mid lasoo qorsheeyay ayna ka dambeeyaan kooxo diiddan nabadda dalka iyo dowladnimo la gaaro, iyagoo aan cid gaar ah carrabka ku dhufan.

Xidhibaanka lagu dilay qaraxa ayaa wuxuu soo noqday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo wasiirka arrimaha bani'aadamnimada iyo dib u dajinta qoxootiyada, isagoo ka mid ahaa xubnihii dowladda uga soo biiray isbahaysigii dib u xoreyn ee uu hoggaamin jiray madaxweyne Sheekh Shariif.

Mas'uulkan la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn saameynta uu dilkiisa ku yeelan karo howlaha looga baxayo xilliga KMG ah ee ay dowladdu waddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya