4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si wadajir ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa ka codsaday inay soo dedejiyaan xulista ergooyinka.

Kulankan oo ka dhacay halka ay deggen yihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro xukuumadda KMG ah ka tirsan, waxayna madaxda dowladdu markii hore kulan la qaateen guddiga xallinta khilaafaadka ee ay odayaashu horay u sameysteen.

"Madaxda Soomaaliya waxaan u sheegaynaa inaan 75% soo diyaarinay ergooyinka ansixinta dastuurka, haddii ay sax yihiinna aan wada saxiixanno haddii ay khaladan yihiinna aan wada saxanno," ayay tiri Xaawo Siciid oo ku hadlaysay magaca guddiga xallinta khilaafaadka.

Intaas kaddib madaxda DKMG ah ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in looga baahan yahay inay soo gudbiyaan liiska 135-duub in lasoo gudbiyo si meesha ay uga baxdo wararka la isla dhexmarayo oo ah in odayaasha xareysan aysan ahayn kuwii runta ahaa ee beelaha Soomaaliyeed matalayay, ayna u billowdaan xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xulista xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.

"In duubabkii Soomaaliyeed ay halkan isugu yimaadaan Ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah waxay u tahay sharaf, waxaana rajeynaynaa in howshiinna ay ku dhammaato guul," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu codsaday in la isku dhinac wado xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xidhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka si loo dedejiyo howlaha u harsan dowladda KMG ah oo waqtigeedu ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto 2012.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha ayaa iyaguna uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka howsha ay ku jiraan, waxayna sheegeen in dowladda KMG ah ay ka go'an tahay in Soomaaliya laga saaro xilliga KMG ah ayna u gudubto dowlad joogto ah.

Ugu dambeyn, Madaxda dowladda waxay goobta ka sheegeen in shirka ansixinta dastuurka uu 21-ka bishan furamayo, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuusan mar kale dib u dhac ku imaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulanka kaddib waxay ka dhoofeen magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya oo uu berri ka furmayo shirka madaxda dalalka Qaaradda Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya