4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)

Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa fariisin rasmi ah ka dhigtay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmo ka hor ay dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

Xeradan oo ahayd saldhig ay Al-shabaab tababarro ku siin jirtay xoogaggeeda ayaa waxay ciidamada AMSIOM sheegeen inay ka heleen raashin gargaarka ah oo ay u isticmaali jirtay Al-shabaab inay ku quudiso dagaalyahannadooda.

Maydadka dagaalyahanno lagu dilay dagaalkii lagu qabsaday xeradaas ayaa weli dhex-yaalla halkaas, iyadoo ciidamada AMISOM ay ku billaabeen inay meelaha qaar ka jaraan geedaha si ay teendhooyin ugu dhistaan.



Saraakiisha hoggaaminaya AMISOM ayaa sheegay in howgalladooda Shabeellada hoose ay sii socon doonaan inta ay ka qabsanayaan gobolkaas oo dhan, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin sababihii ay uga baxday deegaanka Laanta-buuro.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa wuxuu ka mid noqonayaa gobollada lala maamulo Al-shabaab kaddib saddex sano oo maamulkeeda uu ka jiray gobolka oo dhan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen markii ugu horreysay degmada Afgooye bishii May ee sannadkan.

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale waxay dhammaadkii bishii la soo dhaafay ee Juun ay qabsadeen degmada Balcad oo Muqdisho u jirta 30-km kana mid ah gobolka Shabeellada dhexe oo isaguna daris la ah Muqdisho.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya