9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)


Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan University ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Munaasabada oo aheyd mid loogu dabaal-dagayay sanad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay waqtigii la furay Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay marti sharaf isugu jirtay qeybaha bulshada oo ay ka mid ahaayeen dhaqaatiirta gobollka iyo qurba joog saameyn ku laheyd aas-aaska Jaamacadda.

Dr Xassan Cumar Siyaad oo ka mid ah maamulka Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne kana mid ah macalimiinta wax ka dhigta Jaamacada ayaa siweyn u soo dhaweeyay heerka maanta ay mareyso Jaamacadda, isaga oo sheegay in durbaba la arki karo miriha wanaagsan ee mudada labada sano ah ka soo baxay Jaamacada.

‘’Runtii waxaa laga yaabaa in dad badan ay u heysteen in Jaamacadu aysan heerkan soo gaari karin, laakiin maanta waa la arkayaa halka ay wax marayaan, kaliya waxaan u baahannahay in aan horay uga sii socono halka aynu hadda taagannahay, ayuu yiri,’’ Dr Xassan Cumar Siyaad.


Max’ed Axmed Faarax ‘’Saney’’ oo ah madaxa shirkada korantada Dayax ee gobollka kuna hadllayay magaca aqoonyahannada,, ayaa bogaadiyay maamulka, macalimiinta iyo guud ahaanba cid kasta oo gacan ka geystay sidii gobollka Hiiraan looga hergalin lahaa Jaamacad ay wax ka bartaan ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare ee gobollka, kuwsoo markii hore u tagi jiray gobollada kale ee dalka sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho dhameystiran.

"Waxaan leeyahay cid kasta oo ku lug leh Jaamacadda waa in aad horay uga sii dhaq-dhaqaaqdaan halka aad maanta taagan tihiin, waayo suugtagal ma’aha in maalin kaliya wax walba soo dhamaadaan, laakiin waxaan oran karnaa marka loo eego waqtiga adag ee lagu jiro Jaamacaddu waxaa ay muujisay dadaal dheerad ah," ayuu yiri Maxamed Axmed Faarax.


Sidoo kale waxaa goobta ka hadllay madaxa Jaamacada Hiiraan University Cismaan Max’ed Cilmi (Caato) oo uga mahad celiyay Jaaliyada W/qooyiga Ameerica iyo Yurub hindisahoodii ku aadanaa in gobollka Hiiraan Jaamacad laga hergaliyo, isaga oo intaa ku darray in waqtigan ay isa soo diiwaan galinayaan ardey cusub oo ah kuwa soo dhameysatay Dugsiyada sare ee gobollka taasoo muujineysa ayuu yiri heerka aqoonta Jaamacadda oo mudadii labada sano aheyd oo ay jirtay.

Ugu danbeytii waxaa halkaa shahaado lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalimaha kuwaad iyo labaad ka gashay Imtixaankii sanadka labaad oo ay ardayda Jaamacadu u farsiiteen, waxaa wajiyada ardeyda ka muuqatay dareen farxadeed maadaama ay sanadkii labaad soo dhameysteen waxbarashada Jaamacadda.

Jaamacadda Hiiraan Uninversity oo si rasmi ah loo furay sanadkii 2010, waxaa ka baxa sadax kuliyadood oo kala ah Caafimaadka, Shareecada, IT, cilmiga kambiyuutarka, iyadoo la filayo in lagu soo kordhiyo dhaawaan kuliyadaha kala ah beeraha iyo ganacsiga.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
7/14/2012 9:29 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL)- Carwadda caalamiga ah ee Buugaagta ee Hargeysa oo sanad walba la dhigo ayaa lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo xiisaynaya barnaamijyadda kala duwan ee ka socday hoolkaasi.

7/14/2012 8:54 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayay xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Muqdisho ku yeeshay mas'uuliyiin ka socday dowladda KMG ah, AMISOM iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay.

7/14/2012 8:41 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax cansho ah oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca.

7/14/2012 8:12 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si wadajir ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa ka codsaday inay soo dedejiyaan xulista ergooyinka.

7/14/2012 7:37 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa fariisin rasmi ah ka dhigtay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmo ka hor ay dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

7/14/2012 7:21 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhammaadka bishan uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain ciyaaraha olombikada dunida ayaa Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay ka qaybgasho ciyaarahan, waxayna sheegeen orod-yahannada ku ordaya magaca Soomaaliya inay natiijo wanaagsan kasoo hoyn doonaan ciyaarahaas.

7/14/2012 5:13 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay gaadiid si sharci-darro ah jaad kusoo geliyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

7/14/2012 3:31 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.

7/14/2012 3:23 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal tababaray ciidamada Dowladda Somalia oo sannadkii 2009 ay isaga iyo sarkaal kale oo baxsaday ku afduubeen magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

7/14/2012 3:09 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto inay kordhaan tirada dadka qaba cudurka daacuunka ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

7/14/2012 2:53 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay dalka Jimcihii shalay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn wax gorgortan geli kara, sidoo kale wuxuu ku baaqay in la taageero hannaanka looga baxayo xiolliga KMG ah.