4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto inay kordhaan tirada dadka qaba cudurka daacuunka ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

Warbixin ay hay'addu soo saartay Jimcihii shalay ayay ku sheegtay in 639 ruux oo qaba cudurka daacuunka lagu arkay Kismaayo sannadkan, dadkaasna ay u badan yihiin caruur da'doodu ka yar tahay siddeed sano.

"Cabdi weyn ayaa jirta, maalmihii ugu dambeeyay waxaa la arkayay dad uu daacuunku soo ridanayo, hadalka aan baahinayna waa mid aan ku doonayno in la caawiyo dadka uu cudurka soo ridanayo," ayay tiri afhayeenadda WHO Pieter Desloovere.

Hay'adda WHO ayaa waxay warbixinteeda ku sheegtay in isbitaalka guud ee Kismaayo la dhigo toddobaad walba 40-qof oo qaba cudurka daacuunka, taasoo ay ku sheegtay inay tahay tiro aad u badan.

Dadka daacuunka uu soo ridanayo ayay hay'addu sheegtay in intooda badan laga keeno deegaannada miyiga ah ee ka fog magaalooyinka, kuwaasoo ay sheegeen in aanay gaari karin hay'adaha ka shaqeeya caafimaadka.

Cudurka daacuunka oo shuban xooggan ayaa wuxuu dili karaa qofka uu ku dhaco haddii aan si dhaqso badan looga daweyn, waxaana hay'adaha caafimaadka ka shaqeeya ay ka digayaan in cudurkan uu ku fido magaalada Kismaayo.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin cudurka ka dilaacay Kismaayo, halkaas oo ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM sheegayaan inay ka go'an tahay inay qabsadaan inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya