3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Kulan ay ka qeyb galeen Marwada Ra'iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Haween iyo Fanaaniinta Qeyla Dhaan oo Muqdisho ka dhacay

CCD3.jpg

Jimco, July 13, 2012 (HOL) Kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen Marwada Ra'iisul Wasaaraha Drs. Hodan Saciid Ciise, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ururada Haweenka degmooyinka Gobolka Banaadir, Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Seynab Xaaji Cali Baxsan, Binti Cumar Gacal iyo haween ka socday 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,

Kulankan oo halku dhigiisa ahaa "Muqdisho Maxay dooneysaa, Dalka iyo dadka maxay doonayaan", waxaana intii uu socday Kulanka lagu soo bandhigay Suugaan ka hadlaysay Muhiimada Muqdisho ay leedahay iyo dalka waxaa uu doonayo.

Hey'adda Wada hadalka bulshada oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa muhiimad gaar ah siisay dadka waxay doonayaan, dalka wuxuu doonayo iyo Kaalinta Haweenka ka qaadan karaan horumarinta bulshada, Midnimada iyo ammaanka.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar oo sheegay in Muqdisho ay dooneyso nabad, dalkana u baahan yahay hogaan cadaalad ah oo ka samata bixiya dhibaatooyinka heysta shacabka.

"Muqdisho waxay dooneysa nabad, dalku wuxuu doonayaa hogaan cadaalad ah, dadka waxay doonayaan Midnimo"ayuu yiri Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar oo u mahadceliyay Fanaaniinta Kooxda Qeyla Dhaan iyo ka qeyb galayaasha kulankan.

Marwada Ra'iisul Wasaaraha Marwo Drs. Hodan Saciid Ciise oo iyana ka hadashay kulanka ayaa uga mahadcelisay Hey'adda Wada hadalka bulshada kulamada ay bulshada u qabato, iyadoo tilmaamtay in wada hadalka bulshada uu qeyb ka yahay dib u heshiisiinta.

"Aan wada hadalno waa aan wada heshiino, waa la socdaa Hey'addan kaalinta bulshada ay ugu jirto, inay wada hadalsiiso, oo guryaha ka soo saarto, waa u mahadcelineynaa"ayay tiri Marwada Ra'iisul Wasaaraha Drs. Hodan Saciid Ciise.

Drs. Hodan Saciid ayaa sheegtay in Muqdisho ay u baahan tahay nabadgalyo, isla markaana ay tahay Caasimada dalka.

"Muqdisho waxay u baahan tahay nabad, waxay u baahan tahay, bilic, ardayda waxay u baahan yihiin in Iskuulada aadaan, bulshada waxay doonayaan dib u heshiisiin, Muqdisho waa caasimadii dalka"ayay tiri Marwo Drs Hodan Saciid Ciise.

Fanaanka Jooqle Shire Jaamac iyo C/xakiin Ciise Guuleed Farayare oo labaduba ka mid ah fanaaniinta qurbaha ka yimid ee Kooxda Qeyla Dhaan ayaa sheegay in dalka is bedel ka jiro, isla markaana ay dadka marna ka cabsan kooxo fara ku tiris ah inay cabsi geliyaan kuwo wajiyada qarsada, iyagoo xusay in Muqdisho u baahan tahay nabad, dalkana uu u baahan yahay hogaan daacad ah.

Intii Kulankan socday ayaa hees ka hadlaysay Muqdisho Maxay dooneysay waxaa ku luuqeeyay Fanaaniinta Jooqle Shire Jaamac, C/xakiin Farayare, Sahra Ileeye iyo Fanaanada Surqa, kuwaasoo suugaantooda xambaarsaneyd dareenka dadka iyo dalka, waxaana aad uga maqsuudeen ka qeyb galayaasha, waxaana heestan ahaa mid muujineysay Muqdisho waxay dooneyso, dalka iyo dadka waxay doonayaan ayaa waxaa soo saaristeeda lahaa Hey'adda wada hadalka bulshada ee CCD.

Sidoo kale Kulanka waxaa khudbad ka jeedisay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo xustay in Muqdisho ay dooneyso maqaamkii aduunka ku laheyd, in Muqdisho tahay Caasimada dalka in lagu cadeeyo, iyadoo tilmaamtay in Caasimada aan la dumaali karin.

Gudoomiyaha Haweenka Hey'adda CCD Sahra Maxamed Amiin ayaa iyana sheegtay in kaalinta haweenka ay udub dhexaad u tahay nabadgelyada, waxaana ay ugu baaqday in Muqdisho u baahan yahay Dastuur dalka oo dhan lagu dhaqo, maqaamkii ay laheydna lagu cadeeyo.

Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Ururada haweenka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa soo dhoweeyay midnimada haweenka iyo in muhiim tahay in Caasimada Muqdisho la xaq dhowro, iyagoo ku ammaanay Hey'adda CCD kulamada, siminaarada iyo doodaha ay bulshada u qabaneyso.

Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in Muqdisho ay nabad u baahan tahay, dadka degan ay ku naaloodaan walaalnimo, nabadgelyo iyo is dhex gal, waxaana ay ku ammaantay Hey'adda CCD isu keenka bulshada oo ay tibaaxday in dal iyo dibad ay isugu keentay.

Ugu dambeyn kulankan oo ahaa mid xilligii loogu tala galay ku soo aaday ayaa ku soo beegmay, iyadoo la sugayo inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo lagu soo doorto dowlad cusub iyo hogaan cadaalad oo umada Soomaaliyed midnimo iyo nabad u horseeda.

CCD.jpg
CCD2.jpg
CCD4.jpg
CCD5.jpg
CCD6.jpg
CCD7.jpg
CCD9.jpg
CCD8.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen
Muqdisho , Soomaaliya













Click here
7/13/2012 3:13 PM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaaddii jimce kala qaybgalay dadweynaha magaaladda Hargeysa, isagoo aan ilaalo la socon, isla markaana kula tukaday masaajid ay dadku iskugu yimaadaan.

7/13/2012 7:57 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uuna horkacayo wakiilka UN-ka ee arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda Puntland.

7/13/2012 7:45 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay dad iyo hub ka sameeyay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

7/13/2012 7:21 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidamada AMISOM ayay ku sheegeen in Laanta-buuro ay ka heleen 500-kiish oo raashin ah, kaasoo ay loogu talogalay sida ay sheegeen in lagu caawiyo dadka ku nool gobolkaas, balse ay Al-shabaab dhacday.

7/13/2012 4:57 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha odayaasha Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho uu uga socdo shirka ayaa sheegay inay codsadeen in la saxo qaladaadka dastuurka jira ka hor inta aan lasoo xulin ergagada ansixinta dastuurka.

7/13/2012 4:56 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dhaawacay laba ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya oo ku sugnaa deegaan ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya aroonimadii shalay oo Khamiis ahayd.