4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo markii ugu horreysay Xukun Qisaas ah ku fuliyay laba nin oo lagu eedeeyay inay dilal geysteen
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta xukun qisaas ah ku filyay laba nin oo la sheegay inay horay ugu dileen wiil iyo aabihiis deeaanka Xeraale ee gobolka Galguduud.

Xukunka qisaasta ah oo ka dhacay degmada Guriceel ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Ahlusunna ay ka fuliso deegaanada ay ka taliso, iyadoo mas'uuliyiinta maamulkaas ay sheegeen in tani ay qayb weyn ka qaadanayso sidii ay u joogsan laahayeen dilalka ka dhaca deegaanadaas.

"Qisaasta waxaa lagu fuliyay Cabdulqaadir Caato Cabdulle iyo Xirsmi Cabdi Cabdulle oo 20-kii bishii May ee sannadkan dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabi jiray: Daahir Faroole Macallin Faarax iyo Faroole Macalin Faarax Xirsi," ayuu yiri Sheekh Axmed C/llaahi Ilka-case oo ah ku xigeenka golaha fulinta ee ururka Ahlusunna.

Sheekh Axmed C/llaahi wuxuu sheegay in xukunkan ay raali ku noqdeen ehelada labada dhinac, isagoo sheegay in waaxda garsoorka ee Ahlusunna ay u ogolaatay eheladii labada qof laga dilay inay gacantooda ku fushadaan xukunka qisaasta ah.

"Xukunka waxaa loo cuskaday diinta Islaamka, wuxuuna xukunkii ugu horreeyay oo laga fuliyo deegaanadan, inagoo rajeynayna in qofkii dil geysta la qisaasi doono," ayuu yiri Sheekh Axmed Ilka-case.

Dadweyne badan oo ku nool degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay dilka iyagoo sheegay inuu yahay mid irdaha u furaya sidii aysan uga dhici lahayn deegaanada ay ka taliso Ahlusuna dilal macno-daro ah.

Gobolka Galguduud ayaa qaybo ka mid ah waxaa ka talisa Ahlusunna, iyadoo ay ka dhici jireen dilal qorsheysan oo kooxo hubeysan ay u geysataan dadka shacabka ee ku nool deegaanadaas, iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya