4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Wasiirrada DKMG Soomaaliya oo shir ay kulan ay yeesheen uga hadlay Ammaanka iyo Xulidda Ergada Ansixinaysa Dastuurka

Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Muqdisho iyo xulidda ergada ansixinaysa dastuurka qabyada ah.

Shirkan oo uu guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ugu horreyn ka warbixiyay safarkii uu ku tagay dalka Uganda iyo kulankii uu halkaas kula soo yeeshay kumannaan Soomaali ah oo ku nool magaalada Kampala.
 
Wasiirradu waxay soo dhaweeyeen qabsashadii Laanta-buuro oo Al-shabaab ay ku lahayd saldhig weyn oo ay xoogaggooda ku tababari jireen, waxay kaloo kulankooda ku taageereen baaritaanno ay ciidamada kala duwan ee DKMG ah ka sameynayeen  magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad fara badan.

Sidoo kale, wasiirka dastuurka, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qabsoomidii shirkii ansixinta dastuurka iyo soo xulida ergadii ansixin lahayd; isagoo sheegay in 500 oo xubnood oo ergada ka mid ah ay diyaar yihiin inta kalena lasoo dhameystirayo maalmaha soo socda; isagoo sheegay inay ahayd inuu shirku maanta furmo, balse arrimo farsamo awgeed uu dib u dhac ku yimid.

Goluhu waxay warbixin ka dhageysteen wasiirka maaliyadda taasoo ku saabsanayd ururinta canshuuraha bariga si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo warbixin ku saabsan dakhliyada soo gala dowladda sidii loo kobcin lahaa ilaha dhaqaalaha dalka.


Ugu dambeyntii wasiirka waxbarashada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa kulanka kusoo bandhigay Shahaado dugsiga sare ah oo uu sheegay inaan la been abuuri karin, isagoo sidoo kale sheegay in dugsiyada waxbarasho ee dalka ay qaadan doonaan shahaadaha ay wasaaraddu soo bandhigtay.

Dalka Soomaaliya ayaa muddo labaatan sano ah waxaa ka jiray hay'ado madax-bannaan oo maamula iskuullada waxbarashada, iyadoo aan la ogeyn sida ay suuro-gal ku noqon karto in iskuullada oo dhan ay shahaadada ardayda ka baxda kasoo qaataan wasaaradda waxbarashada.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya