3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Munaasabadda 1-da Luulyo oo si weyn looga xusay Magaalda Eskilstuna ee dalka Sweden (SAWIRRO)


Axad, July 01, 2012(HOL): Xaflad lagu maamuusayay 52 guuradii ka soo wareegatay markii ay Gobollada Koofureed ee Soomaaliya ay xornimada ka qaadeen gumeystihii Talyaaniga, sidoo kale ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden.

Xafladda oo uu soo qabanqaabiyay Ururka isku-xirka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Eskilstuna (SUN) ayaa waxaa halkii lagu qabtay oo ahayd Forslunda Centrum ka soo xaadiray dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo isugu jira Soomaaliya iyo Dadyow kale oo u soo baxay in ay farxadda la wadaagaan dadka Soomaaliyeed oo maanta oo kale sanad walba xusa maalinta 1-da Luuyo.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda hadal furitaan ah ka jeediyay guddoomiyay Ururka isku-xirka dhalinyarada Soomaaliyeed Maxamed Khadar, wuxuuna madasha ka sheegay in qabashada munaasabaddan ay waqti iyo xoog tamar geliyeen, alle mahaddiisna ay ugu dambeyntii ku guuleysteen in xus weyn loo sameeyo maalinta xornimada Soomaaliya.


Maxamed Khadar waxaa uu intaas ku daray in weyneynta maalinta xornimada Soomaaliyeed ay urur ahaan u arkeen mid muhiimad gaar ah leh, sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay tallaabadan qaadaan. Wuxuu intaas ku daray in Fannaaniin ay ka mid yihiin Faadumo Shiikh Hilowle (Faadumiina) oo London uga timid xafladda iyo Mukhtaar Cusmaan oo isna magaalada Eskilstuna degan ay xafladda heeso ka qaadi doonaan.

Intaas kaddib wuxuu Maxamed Khadar u mahadceliyay dadkii xafladda ka qeybgalay iyo intii gacanta ku siisay qabashada munaasabadda weyneynta maalinta xornimada Soomaaliya oo ku beegan sanad walba marka la gaaro 1da Luulyo.

Waxaa xigay oo isna munaasabadda ka hadlay Macallin C/risaaq Xuseen oo ka mid ah aqoonyahannada degmada Eskilstuna, wuxuuna C/risaaq madasha ka jeediyay khudbad dheer oo  uu uga taariikheeyay halgankii loo soo galay xornimada Soomaaliya, dadkii u soo halgamay  ee ay ka midka ahaayeen haddii aan SYL ka hor soo qaadanno Imaam Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Dhalinyaradii SYL oo iyagu nasiib u yeeshay in halgankoodii xornimada Soomaaliya lagu helo.


Intaas kaddib Macallin C/risaaq waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xornimadii sidaas loogu soo halgamay in maanta ay dayacan tahay, isla markaana aysan dadka SOomaaliyeed weli garan qiimaha ay xoriyadda u leedahay, wuxuuna ugu dambeyntii madasha ka tiriyay tix gabay ah oo dadka ku guubaabineysay in ay gacmaha isqabsadaan, isla markaana ay xornimadooda soo ceshadaan.

Heeso dhex taal ah kaddib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay madaxdii ka socotay degmada Eskilstuna oo kala ah Jimmy Jansson, guddoomiyaha degmada Eskilstuna, Magnus Johansson, gudoomiye ku xigeenka 1'aad ee degmada iyo Maria Chergui  gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee degmada.

Ugu horreyn waxaa hadalka qaaday Gudoomiyaha Degmada Eskilstuna Emmy Johnsson, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu munaasabadda maalinta 1-da Luulyo kala soo qeybgalo, ayna maalinta qadarinayaan. Emmy waxaa uu sheegay in isaguba hadii uu Soomaaliya ka tegi lahaa in uu isaguba xusi maalinta qarannimada Sweden.


Waxaa uu la hadlay Soomaalida ku nool Sweden guud ahaan, gaar ahaanna Eskilstuna wuxuuna u sheegay Soomaalida in looga baahan yahay in ay suuqa shaqada galaan, si ay taasi u sameeyaanna ay u baahan yihiin in ay afka bartaan dadaal dheeri ahna ay la yimaadaan. Wuxuu sheegay haddii ay sidaasi yeelaan in ay u sahlanaan dooto in ay la qabsadaan nolosha dalkan.

Dhibaatada Soomaaliya ka jirta ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in weli dhibaato iyo dagaallo ay ka sii socdaan, dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku noolna ay isku dayayaan in ay caawiyaan dadka ku nool gudaha dalka hayeeshee ay taasi sameyn karaan marka ay iyagu wax ka noqdaan wadamada ay ku nool yihiin.

Maria Chergui oo guddoomiye ku xigeen ka ah degmada Eskilstuna ayaa ka hadashay madasha, waxayna hambalyeyn kaddib ay ka hadashay arrimaha sinnaanta ragga iyo dumarka, waxayna xustay in gabar Soomaaliyeed oo Sahra Ismaaciil la yiraahdo ay ku guuleysatay degmada Eskilstuna oo dhan, taasina waxay sheegtay in sawir wanaagsan u tahay dadka ku nool degmada.


Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato ku soo jirtay ayay sheegtay in ay dumarka Soomaaliyeed qeyb weyn ka qaateen nolosha dadka ku nool gudaha Soomaaliya, welina ay qeyb muhiim ah ka qaataan nolosha dadka iyo badbaadinta dalka.

Magnus Johansson oo isna ah guddoomiye ku xigeenka degmada Eskilstuna ayaa isna ka hadlay munaasabaddii maanta, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sanadkii 1960-kii ay xornimo ka qaadatay dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska, kuwaasi oo Soomaaliya gumeysanayay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya xilligaas kaddib xor ahayd, inkastoo uu xusay in weli faragelin lagu hayo arrimaha Soomaaliya.

Magnus oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku xiran oo isu gurmada marka ay dhibaatooyinka jiraan, wuxuuna tusaale u soo qaatay markii ay dhacday abaartii ugu dambeysay oo kale, taasi oo uu sheegay in Soomaalida iyo caalamkaba ay gurmad lixaad leh sameeyeen, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in midnimadaas loo baahan yahay in la adkeeyo.


Magnus waxaa kale oo uu khudbaddiisa ku soo hadal qaaday mideynta qoysaska Soomaalida wuxuuna caddeeyay in ay rajo wanaagsan ka qabaan dib-u-midoobidda qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo dheer kala maqnaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay arrintaas xisbi ahaan ay dadaal dheeri ah u galeen.

Dhanka kalena, waxaa heesaha barbar socday riwaayado ku saabsanaa xoriyadda iyo halgankii loo soo galay, taasi oo ay soo bandhigeen Al-Ustaad Jaabir Gaceyte iyo kooxdiisa, waxaana mid ka mid ah riwaayadahaas oo hal-ku-dhiggeedu ahaa AAWAY XAWAASHOODII?, taasi oo ku saabsaneyd xusuusashada raggii u soo halgammay xornimada ee geeriyooday.

Xafladda maanta oo si weyn ay u soo camireen dadweyne aad u faro badan oo ku nool degmada Eskilstuna, kuwaasi oo isugu soo baxay weyneynta maalintan qiimaha leh.

Xafladda oo billaabatay 12-dii duhurnimo ee maanta ayaa waxaa la soo gebagebeeyay 5-tii galabnimo, iyadoo caawana ay jirto xaflad kale oo ka dhici doonta isla magaalada Eskilstuna, taasi oo lagu maamusayo 1-da Luulyo.

Dhanka kalena, Magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Sweden oo ay ka mid yihiin Stockholm, Gothenburg, Bollones iyo kuwo kale ayaa lagu qabtay xaflado lagu weyneynayay munaasbadda 1-da Luulyo.









Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
7/1/2012 5:05 PM EST
Axad, July 01, 2012(HOL): Xulka Spain ayaa markii 2aad ku guuleystay koobka qaaradda Yurub kaddib markii uu 4—0 ku dhuftay xulka Italy oo rajo ka qabay in uu koobkan hanto.

7/1/2012 8:38 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Munaabasad lagu xusayay 1-da Luuliyo ayaa maanta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Banaadir, kaasoo ay ka qaybgaleen madax ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ku jiray madaxweynaha iyo kumannaan dadweyne ah.

7/1/2012 8:34 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku toogtay xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka ee maamulka Puntland, Bashiir Cabdi Maxamed oo ku magac-dheeraa Garas.

7/1/2012 7:35 AM EST
Boqollaal Soomaali ah ayaa xalay isugu tagay gurigii hore ee safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay isugu yimaadeen qaar kamid madaxda qaranka.

7/1/2012 7:33 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerar ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ku dishay taliyihii ciidamada DKMG ah ee deegaankaas oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

7/1/2012 7:14 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ay ku jireen ayaa ku dhintay, 50-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday lagu weeraray laba kaniisadood oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

7/1/2012 7:08 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Dhowr sano kadib waxaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan munaasabad lagu maamuusayay 1-Luulyo oo ku beegan 1960-kii, maanta oo kale waqtigii ay ka xuroobeen gobollada Koonfurta Soomaaliya gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii labada gobol Koonfur iyo Waqooyi.

7/1/2012 5:57 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa kulan kula yeeshay hotelka uu ka degan yahay ee magaaladda Dubia hogaamiyihii SSC ee Sool, Sanaag iyo Cayn.

7/1/2012 5:55 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Ciidmaada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Qooqaani oo hoostaga Degmada Afmadow, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin kala gaaray labada dhinac.

7/1/2012 4:07 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Garisa ayaa sheegaya in goordhow qarax xooggan uu ka dhacay goob kaniisad ah oo ay ku sugnaayeen dadweeyne fara badan, iyadoona la sheegay in qaraxu sababay khasaarooyin lixaad leh.

7/1/2012 4:00 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Munaasabado lagu xusayay sannad-guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed xoriyaddooda ka qaateen dalka Talyaaniga ayna midoobeen gobollada Koonfureed iyo waqooyi ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay gobollada dalka qaarkood.

7/1/2012 3:34 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yemen Abubakar Cabdalla Al-Qarbi ayaa ka guddoomaya waqadihii aqoonsiga danjirenimo qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u magacowday magaalada Cadan, Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaan) kaddib kulan uu kula qaatay wasiirka oo ka dhacay Sanca.

7/1/2012 3:17 AM EST
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in fikir mideysan la qaato si looga gudbo dhibaatada hadda jirta, dalkana loogu soo dabaalo dowladnimo iyo amni.