4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Dabley hubeysan oo Waqooyiga Gaalkacyo ku Toogtay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug ee Puntland
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku toogtay xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka ee maamulka Puntland, Bashiir Cabdi Maxamed oo ku magac-dheeraa Garas.

Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay xilli uu ku socday gurigiisa, iyadoo kooxihii dilay oo ku hubeysnaa bastoolado la sheegay inay goobta ka baxsadeen, inkastoo ay socdaan baaritaanno lagu raadinayo.

Saraakiisha ciidamada ammaanka iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay inaysan jirin cid loo qabtay dilka xeer ilaaliyaha iyadoo aysan jirin cid sheegatay in dilka xeer ilaaliyaha ay ka dambeysay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumka ay toogteen saddex dhallinyaro ah oo wajiyada qarsaday, waxaana dilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyya oo ka dhaca labadii todddobaad ee uug dambeeyay magaalada Gaalkacyo.

Xeer ilaaliyaha la dilay oo maanta lagu aasay Gaalkacyo ayaa wuxuu horay uga tirsanaa maxkamadda dambiyada culus ee Puntland, iyadoo jagadan loo magacaabay muddo hal sano laga joogo.

Mas'uuliyiinta Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaan inta badan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxaha fuliya dilalka qorsheysan, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan Puntland lagu dilo xarunta gobolka Mudug.

Degmada Gaalkacyo ayaa waxay u qaybsan tahay laba qaybood oo ay ka kala taliyaan maamulka Galmudug iyo Puntland, waxaana labada maamul dhowr jeer soo dhexgalay khilaafyo ka dhashay dilal iyo falal ammaan-darro oo ka dhacay degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya