10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2012
Weriye Xorriyo C/qaadir oo Nairobi loogu sameeyay xaflad soo dhawayn ah (SAWIRO)
DHOOFO5.jpg
Talaado, January 31, 2012(HOL) Nairobi , Kenya - Wariyayaasha, dhalinyarada iyo ganacsatada Jaaliyadda Galmudug ee magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya  ayaa qabtay  xaflad ay ugu magac dareen soo dhaweynta wariye Xoriyo Cabduqadaair Sheekh Cali oo kamid ahayd wariyayaasha Radio Gaalkacyo, taasi oo 14-kii September  2011  ay kooxo hubeysan dhaawac ugu gaysteen magaalada Gaalkacyo xilli habeen ah oo ay kasoo baxday xarunta Radio Gaalkacyo.

Xafladda oo ay goob joog ka ahaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan sida wariyayaasha,abwaaniinta,iyo ganacsatada  ayaa waxay ugu horeynba ka tacsiyeeyeen dhaawacii iyo dhibaatadii Xoriyo Cabduqaadir loogu geystay Gaalkacyo.

Qaar kamida ah abawaanadii halkaasi kasoo qeyb galay oo uu ugu horeeyay Abwaan Shuceyb Cabdinuur ayaa tiriyay manaasooyin iyo suugaan ay ugu tala galeen soo dhaweynta Xoriyo Cabduqaadir, waxaana xusid mudan in Abwaan Shuceyb Cabdinuur uu madasha kusoo bandhigay maanso si gaar ah uu ugu tiriyay Xoriyo Cabduqaadir oo si aad ah u soo jiidatay dadkii kasoo qeyb galay munaasabadda soo dhaweynta ahayd.

DHOOFO2.jpg

Waxaa sidoo kale abwaannadii munaasabadda kasoo qeyb galay kamid ahayd abwaanad Dhoofo Khaliif Siyaad iyo abwaanin kale oo da’yar kuwaasi oo soo bandhigay maansooyin iyo gabayo lagu weynaynayo warbaahinta iyo wariyaha, islamarkaana lagu soo dhaweynayo Xoriyo Cabduqaadir Sheekh Cali.

Dhamaan dadkii munaasabadda ka hadlay oo isugu jiray abwaaniin, saxafiyiin, macalimiin, arday, haween, dhalinyaro iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyeeyay dhaawacii Xoriyo loogu geystay Gaalkacyo, iyagoona uga mahad celiyay hoggaanka ururka saxafiyiinta qurba joogga ah ee Kenya sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen soo dhawaynta iyo caafimaad uu raadinta Xorriyo oo la geeyay isbitaalo kala duwan.

Waxaana dadweynihii halkaas isugu yimid ay mahad u jeediyeen wariyayaasha Soomaalida, gaar ahaana C/qafaar Axmed Shire oo si wayn uga qaybqaatay hawlaha lagu caawinayo gabadhan, iyagoo ku boorriyay wariyayaasha inay sii wadaan dadaalada ay ku caawinayaan kuwooda dhibaataysan.

Xaalada Xorriyo C/qaadir ayaa haatan kasoo raynaysa, kadib markii ay gacan ka heshay ururada kala duwan ee u ola-oleeya wariyayaasha iyo safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

DHOOFO3.jpg
DHOOFO.jpg
DHOOFO6.jpg
DHOOFO4.jpg


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya