7/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2012
Shir lagu taageerayay maamulka Khaatumo State oo ka dhacay Gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka


Isniin, Jannaayo 30, 2012 (HOL) − Munaasabad lagu maamuusayay soo dhaweynta maamulka Khaatumo State iyo shirkii Taleex ayaa ka dhacday gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka, waxaana munaasabadda ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday qaybaha kala gaddisan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba xubno kale oo ka socotay uruurada bulshada rayidka.

Munnaasabada ayaa waxaa lagu furay aayadaha Qur'aanka Kariimka oo uu halkaasi ka aqriyaay Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar.

Mas'uliyiinta munasabadaaas ka hadlay waxay dhammaantood soo dhaweeyeen maamulka cusub ee Khaatumo State iyo shirkii dhawaan lagu soo gabgabeeyay magaalada Taleex ee gobalka Sool, shirkaasoo ku saabsanaa wada-tashiga dadka ku nool deggannada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo ugu dambeyn lagu aasaasay (Khaatumo State Of Somalia).

Dhanka kale, waxaa munaasabadii xalay khudbooyin dhaadheer kasoo jeediyay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: Saciid Faahiye oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesoto, Karen Clarka, caqilka gobalka Minnesoto iyo Cali Axmed Geelle, madaxa jaaliyadda Khaatumo State ee gobalka Minnesoto, wasiir-u-dowle Xaamud Maansheeye iyo hay'ddaha bulshada rayidhka aqoon-yahanno culumaa'uddiin iyo waliba qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda.


Kulanka waxaa ka hadlay kana warbixiyaay socdaal uu ku tagay dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada, Sool, Sanaag iyo Ceyn, C/rashiid Macalin Faarax, isagoo sheegay in shirkii Taleex ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah, wuxuuna xusay in dhidibbada loogu taagay maamul u adeegaya dadka ku nool deeganadaas iyo weliba bulsho-weynta Soomaaliyeed.

"Aniga intii aan joogay degaannadaas waxay indhahaygu qabanayeen bulsho u baahan maamul iyo kala dambeyn," ayuu C/rashiid Macallin ka sheegay munaasadda lagu taageerayay maamulka Khaatumo State.

Mudane Xaamud oo ah wasiir-u-dowle ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay munaasabadda lagu xusayay Khaatumo State ee ka dhacday gobalka Minnesoto isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu kala qayb-galo munaasabadda dadka kasoo jeeda gobollada laga dhisay Khaatumo State.


"Waxaan cambaareynayaa dagaalkii ka dhacay Buuhoodle, waxaana ayaan-darro ah in dad u badan haween iyo caruur lagu laayo dagaaladii dhawaan ka dhacay degmadaas. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay nabadda iyo horumarka ka shaqeeyaan," ayuu yiri Mudane Xaamud.

Sidoo kale, waxaa baaq nabadeed looga dalbanayo inay dagaallada joojiso loo jeediyay maamulka Soomaaliland oo xafladda laga sheegay inay dhowr jeer weerar ku qaadeen deegaannnada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Xubnaha baaqan jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Caabi Farax Canshuur                                         
  2. Xassan Xaaji Cilmi                                                
  3. Ugaas Maxamuud Canshuur                                  
  4. Xuseen Faarax Coon-gaab                                 
  5. Axmed Sheekh Aadan                                      
  6. Nuur Ibraahim Warsame                                   
  7. Xaaji Bashiir Cabdullahi                                    
  8. Axmed Cali Shuuriye                                       
  9. Xaaji Cabdi Cali                                                  
  10. Suldaan Warsame Suldaan Caliyoow Ibroow    
  11. Cabdikariim Xaaji Cabdulaahi                              
  12. Sheekh Maxamed Macallin Cumar                     
  13. Xaaji Maxamuud                                               

Ugu dambeyn, waxaa munaasabada laga qaaday hees ay wada-qadayeen fanaaniin reer Minnesoto ah, iyadoo heestan lagu taageerayayl maamulka cusub ee Khaatumo State.











Cabdiraxman D. Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesoto, Minneapolis