10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2012
Ciidammada maamulka Dooxada Shabeelle oo bartamaha Baladweyne ku dilay saddex qof oo shacab ah

Baladweyne
Isniin, Jannaayo 02, 2012 (HOL) − Ciidammada maamulka Dooxada Shabeelle oo ka mid ahaa ciidamadii ku wehlinayay kuwa Itoobiya dagaalkii lagu qabsaday degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta ku dilay degmadaas saddex wiil oo dhallinyaro ah.

Wararka aan ka helayno Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in saddexda wiil ee la dilay ay ka mid ahaayeen rakaab la socday gaari ka yimid degmada Gaalkacyo kuna socday magaalada Muqdisho.

"Ciidamadu waxay kala soo dageen saddexda wiil gaariga, waxayna ku toogteen buundada dhagax-jabis oo dhanka bari ee magaalada ku taalla," ayaa laga soo xigtay ilo wareedyo ku sugan degmada Baladweyne.

Saraakiisha ciidamada Dooxada Shabeelle ayaa sheegay in saddexdan dhallinyarada ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab iyagoo sheegay inay go'doon ku ahaayeen galbeedka degmada Baladweyne ayna la socdeen dhaqdhaqaaqooda.

Degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haya ciidammo Itoobiyaan ah iyo ciidammo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa Dooxada Shabeelle, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay ciidamadan ka geystaan Baladweyne.

Ciidamadii dilka geystay ayaa la sheegay inay halkaas isaga tageen, iyadoo ay weli yaallaan maydadka saddexda dhallinyarada ah ee la dilay goobtii lagu toogtay, waxaana tani ay cabsi weyn ku beertay dhallinyarada ku sugan degmadaas oo ay muddo sanooyin ah ka talinaysa Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya