4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2012
Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray qodista Ceelal Shidaal


Isniin, January 16, 2012(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud  Faroole ayaa maanta xariga ka jaray munaasabad lagu maamuusayay qodista ceelal shidaal oo ka bilaabatay deegaannada Puntland, gaar ahaan Dooxada Dharoor.

Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay rumowday riyo waqti dheer lagu taamayay, wuxuuna caddeeyay in kheyraadka shidaal ee ay soo saareyso Puntland aysan ku qadin doonin dadka Soomaaliyeed, haddii buu yiri ay Umadda Soomaaliyeed u gudbaan wax qeybsi iyo dastuur.

“Waxaan leenahay wixii halkan laga helo ninna ku qadi maayo markii soomaali xisaabtanto oo dastuur yeelato kala haga wixii ay Puntland kheyraadkeeda ka leedahay ku caddaan doonaan, wixii dowlad dhexe laga siin doonana waa la gaari doonaa, ninna yuusan is-oran haddii ay wax ka soo baxaan meeshan waad ku qadeysaan, Soomaali wey wadaagi doontaa haddii Alle idmo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo u warrmayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.


Madaxweynaha Shirkadda Shidaal qodista sameyneysa ee Africa Oil Mr. Keith C. Hill oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ceelka ugu horreeyay oo la siiyay magaca Shabeel 1 ay ku soo saari doonaan muddo 90 cisho gudahood ah, iyadoo kaddibna uu sheegay in loo gudbi doono qodista ceelka labaad oo isna loo bixiyay Shabeel 2.

Munaasabadda lagu maamuusayay qodista ceelasha shidaal ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Puntland, Salaadiin, Isimo, Nabaddoono, Ganacsato, Aqoonyahanno, Haween, waxgarad iyo dadweyne aad u faro badan.

Halka shidaalka laga qodayo waxaa la yiraahdaa Dooxada Dharoor, waxaaney 100km u jirtaa Magaalada Boosaaso, iyadoo ay qodeyso Shirkad lagu magacaabo African Oil.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]