4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Fadlan caawi gabar Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan Nairobi

 Nimco Cismaan , nabarkan wayn
ayaa uga yaalla xudunta hoosteeda

Talaado, September 27, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Gabadhan yar oo jirta 10 sano, ayaa lagu magaacaabaa Nimco Cismaan Ibraahim, iyadoo haatan lagu hayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, oo ay ka dayriyeen xaaladadeeda dhakhaatiirta loo geeyay ee dalka Kenya.

Gabadhan oo ku dhalatay xanuunkan ayaa la sheegay in aysan kala soocnayn xubinteeda taranka iyo goobta saxarada taasoo keentay inay isku meel ka sii dayso saxarada iyo kaadida.

Nimco ayaa markii hore ay dhakhaatiirta ku wareereen lab iyo dhadig kay tahay, balse ugu dambayntii waxaa la caddeeyay inay tahay gabar ku dhalatay mucjisadan.

Aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim Nuux ayaa ka codsanaya dhammaan ummada Soomaaliyeed inay ka caawiyaan sidii uu gabadhiisa ugu heli lahaa dhakhaatiir wanaagsan, si la isugu dayo in loo kala saaro gabadhaan xubnaheeda oo hal meel ah ka kaadida kana saxaroota.


     Aabe Cismaan Ibraahim
oo la taagan gabadhiisa Nimco

Gabadhani waxay nabar wayn oo xanuun ku haya ay ku leedahay xudunta hoosteeda, taasoo keentay inay seexan waydo hurdada habaynkii.

Qof walba oo Soomaaliyeed waajib ayaa ka saaran caawinta gabadhan dhibaataysan oo ka dhalatay qoys dan yar ah, isla markaana ay hooyadeed ka carartay markii ay dhashay gabadhan oo ay ku aragtay mucjisada.

gabadhan waxaa haatan haya aabaheed oo Hiiraan Online u sheegay inuusan haysan wax dhaqaale ah oo uu gabadhiisa ku geeyo isbitaal fiican amaba uu ku daryeelo.

Waxaad kala xiriiri kartaan aabaha gabadhan dhalay oo la yiraahdo Cismaan Ibraahim Nuux  halkan

+254701467200


Amaba Emailkan  
[email protected]

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya