4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2012
Iskahorimaad Isgoyska KM-4 ku dhexmaray kooxo hubeysan iyo ciidamada Taraafikada Magaalada Muqdisho

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Dagaal ay ku dhaawacmeen saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada wadooyinka ee loo yaqaan taraafikada ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo dagaalkan uu socday muddo kooban.

Taliyaha ciidamada waddooyinka Muqdisho, Col. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa u sheegay warbaahinta in iskahorimaadka uu dhexmaray ciidamadooda iyo kooxo ku labisan dharka ciidamada oo lacago baad ah ka qaata gaadiidka.

"Ciidamada taraafikada oo howshooda gudanaha ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo hubeysan oo ku labisan dharka ciidamada, waxayna dhaawac u geysteen laba ka mid ah ciidamada taraafikada oo midi uu ahaa sarkaal iyo askari," ayuu yiri Col. Cali Gaab.

Iskahorimaadka ayaa wuxuu ka dhacay isgoyska KM-4 oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan Muqdisho, waxaana qofka rayidka ah ee dhaawacmay iyo labada askari loo qaaday isbitaalka si loo daweeyo.

"Kooxihii rasaasta nagu furay markii aan isku daynay inaan ka joojinno lacagaha ay ka qaadayeen gaadiidka waxaa noo suurogashay inaan ka qabanno laba ka mid ah iyo laba qori oo ay wateen," ayuu Col. Cali Gaab ku daray hadalkiisa.

Dagaalka dhexmaray ciidamada taraafikada iyo kooxaha hubeysan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay dowladda KMG ah billowday inay dib u soo celiso sharciyada maridda waddooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya