4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Xildhibaannada taageersan Shariif Xasan oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saaray talooyin kala duwan

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Kulan xildhibaannada taageersan Shariif Xasan ay maanta ku yeesheen xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxay soo saareen warbixinay kaga soo horjeesteen doorashadii xildhibaan Madoone Nuunow Maxmaed iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa koowaad.

War-saxaafadeedka oo saxaafadda uu u akhriyay xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ayaa lagu soo dhaweeyay hadalkii madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif uu ku sheegay in xil-ka-qaadistii Shariif Xasan ay ahayd mid baadil ah oo aan sharciga waafaqsanayn.

Sidoo kale, mudanayaashan ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan dhammaan go'aannadii kasoo baxay IGAD, xafiiska UNPOS, Mareykanka ee lagu diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan, iyagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan go'aanadii kasoo baxay shirkii Garoowe.

"Ummadda Soomaaliyeed ee nabadda jecel waxaan ugu baaqaynaa inay taageeraan xasilloonida dalka, sharciga iyo wada-noolaashaha shacabka, una diyaar-garoobaan fursadaha ah in baarlamaan cusub lasoo dhiso iyo inaan la dhageysan hadallada ku dhisan marin habaabinta ee ay wadaan shaqsiyaadka raba inay sii joogaan iyagoo aan kalsooni ka haysan beelaha iyo deegananada ay kasoo jeedaan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xildhibaannadan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay u kala jabnaa laba garab oo iska soo horjeeda, iyadoo garab ka mid ah garabyadan uu sheegay inay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan ayna guddoomiye u doorteen xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inaysan taageerin in khilaaf lagu xalliyo fowdo iyo qalalaase taagan, balse ay taageeraan in lagu xalliyo wadahadal, walaalnimo iyo is-afgarad, ayna ka hortagaan in dalka dib loogu celiyo fowadii uu kasoo gudbay iyo in la fashiliyo dowladda KMG ah," ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay.

Ugu dambeyn xildhibaannadan waxay sheegeen in sharciyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka la horgeeyo shaqsiyaadka caadeystay inuusan dalku degin, isla markaana dhiigga shacabka banneystay.

Ma jiro hadal kasoo baxay garabka kale ee baarlamaanka, iyadoo shika garabka kale uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay ku yeeshaan Muqdisho tan iyo markii ay ugu doorteen xarunta golaha shacabka guddoomiye xildhibaan Madoone Nuunow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya