4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Hay'adda Turkiga ah ee TIKA oo sheegtay inay dib u dhis ku sameynayso Waddooyinka burbursan ee Muqdisho

Roads in Somalia to be restored by Turkey
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Hay'adda TIKA oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay dib u dhis ku sameynayso jidadka burbursan ee Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Xiriiriyaha hay'adda TIKA ee Soomaaliya, Cabdulahad Kokdagi ayaa sheegay inay kulammo ku saabsan dayactirka waddooyinka ay la yeesheen saraakiil Soomaali ah, si loo diyaariyo warbixin ku saabsan waxyaabaha la doonayo si loo dayactiro jidadka Muqdisho.

Dhismaha wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa iska kaashanaya khubur Turki ah oo ku taqasusay dhismaha wadooyinka, hay'adda bisha cas ee Turkiga, dowladda hoose ee Istanbuul iyo hay'adda TIKA.

"Saraakiisha Soomaalida waxaan ku wareejinnay warbixin dhameystiran oo ku saabsan habka loo dayactirayo waddoooyinka. Waxaa qorshaha qayb ka ah in jidadka la ballaariyo," ayuu yiri Cabdulahad Kokdagi.

Mas'uul ka tirsan wasaaradda gaadiidka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qorshaha lagu dayactirayo jidadka Muqdisho oo Turkigu uu wado, isagoo sheegay inay arrintan uga mahad-celinayaan xukuumadda iyo shacabka Turkiga.

Jidadka Muqdisho ayaan wax dayactir ah helin tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii, marka laga reebo in qaybo yar oo jidadka Muqdisho ka tirsan lagu sameeyay dayactirro aan buurnayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya