4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Shirkii Baarlamanka IGAD oo la sheegay in Soomaaliya ay matalayeen Xubnaha Taageersan Shariif Xasan

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Shirkii madaxda baarlamaanka dalalka IGAD ee ka socday dalka Jabuuti ayaa oo lasoo gabgabeeyay ayaa war-murtiyeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay in shirkaas ay Soomaaliya ku matalayeen xubnihii uu horkacayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey.

War-murtiyeedkii shirka kasoo baxay Xalay ayaa qobbadiisa waxaa ku jiray kuwo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan muranka baarlamaanka, waxaana loogu baaqay madaxda DKMG ah inay ka shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa khilaafkaas.

Xidlhibaannad uu horkacayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwa taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kasoo horjeeda go'aankii xilka looga qaaday.

Mudane C/weli Muudeey oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Jabuuti ayaa wuxuu sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay isaga iyo guddoomiyaha baarlamanaka uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isagoo sheegay inaysan xilligan wanaagsanayn fowdo.

"Aniga iyo Shariif Xasan waxaan kursiga ku nimid doorasho, doorasho ayaana nalooga qaadi karaa, balse in fowdo la sameeyo cid ay dan u tahay ma lahan," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Go'aanka kasoo baxay madaxda baarlamaannada IGAD ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay ka qaybgaleen shirka sidoo kale xubno uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka oo ka tirsan garabkii xilka ka qaaday Shariif Xasan.

Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaan loo ogolaan inay shirka ka jeediyaan wax hadal ah, waxaase loo ogolaaday inay kawada qaybgaleen, iyadoo shirka baarlamaanada IGAD laga dareemay khilaafka u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya