4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Ardayda Jaamacadda Camuud oo Ganacsatada Boorama u soo bandhigay adeeeg ay ku horumarinayaan Ganacsigooda

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Kuulliyadaha Maareynta iyo teknoolijiyada Software ka ayaa shalay ganacsatada magaalada Boorama usoo bandhigtay sida cilmigaasi looga faa'iideysto ganacsiga.

Bandhigan ayaa lagu qabtay Huteel Rays, waxaana ka soo qaybgalay ganacstada magaalada, maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay, ardayda kuulliyadaha ICT ga iyo maamulka ayaa ganacsatada maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay u soo bandhigtay waxyaalaha ay ku barteen Jaamacaddaasi iyo sida loogaga faa'iideysan karo ganacsiga kala duwan iyo sida horumar looga gaadhi lahaa.

Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Cammuud Md: Cumar Boqorre ayaa ammaanay ganacsatada magaalada sida ay barnaamijka usoo dhaweeyeen, isla markaana u doonayaan inay ganacsigooda ugaga faa'iideysan lahaayeen.

Cumar Boqorre ayaa sidoo kale ganacsatada Boorama ku ammaanay doorkii ay ka qaateen dhismaha Jaamacadda cammuud wakhtiyo dalku ku jiray duruufo kala duwan.

Maamulaha shirkadda Telesom ee Gobolka Awdal Cabdiqaadir Aadan ayaa sheegay in shirkaddiisu hormood ka tahay shaqaaleynta ardayda, kaas oo baxda jaamacadda ee ay hawlaheeda uga baahato, hadday tahay maareyn iyo hadday tahay farsamada software ka, isagoo dhinaca kalena maamuluhu qaar ka mid ah ardayda jaamacadda guddoonsiiyey abaalmarinno iyo shahaadooyin lagu maamuusayo macallimiinta kuulliyadaha maareynta iyo ICT ga ,masuulyiinta jaamacadda iyo dadkii soo abaabulay xafladdaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland