4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Siminaar looga hadlayay Nabadda iyo Xasilloonida Bulshada oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Siminaar looga hadlayay sida loo dhiira gelin karo, Nabada, Ammaanka iyo Xasiloonida Bulshada Soomaaliyed ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Odayaal dhaqameedyo, xildhibaano iyo Mas'uuliyiin ka socday dowladda.

Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo soo qaban qaabisay siminaarkan ayaa diirada lagu saaray sida Odayaasha dhaqanka ay door muuqda uga qaadan lahaa dhiira gelinta nabada iyo xasiloonida bulshada.

Abuukar Sheekh Cusmaan oo loo yaqaano Abukar Ganey oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay, ahna Gudoomiyaha Gudiga Odayaasha UYS ayaa ugu horeyn ku ammaanay Hey'adda UYS shirarka is-daba jooga ah ee ay mudooyinkii u dambeeyay u qabaneysay, kaasoo uu tilmaamay inay wax weyn ka soo baxeen, waxaana uu tilmaamay in sanadka cusub ee la galay looga baahan yahay Hey'adda inay laba laabto howlaheeda waxqabadkeeda ku aadan xalka umada loogu raadinayo sidii dhibaatada uga bixi laheyd.

Abuukar Ganey ayaa sheegay in waqtiga kala guurka ee lagu jiro ay u baahan tahay in looga baxo Maslaxada dalka la soo bandhigo, sidii loo nabadeyn lahaa, dhinacyada waxbarashada, caafimaadka loo hirgelin lahaa, isagoo tibaaxay in dalka u baahan yahay doorasho dadka ay soo doortaan hogaan cadaalad ah.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ahaa dhaqankii ka hadlay simnaarka ayaa marka hore ku bogaadiyay Hey'adda UYS inay yihiin dhalinyaro is xilqaanaty oo ka shaqeyneysa xalka umada, isagoo ku booriyay inay soo laba jibaaraan howshooda.

Waxaa uu sheegay si ammaanka looga shaqeeyo loo baahan yahay in Ciidamada arrintooda inay madaxda iska xilsaaraan sidii ay mushaar u heli lahaayeen, isla markaana la joojiyo daneysiga siyaasadeed, waxaa uu tilmaamay in askariga difaaca ku jira loo baahan yahay in gacan loo lahaado, wixii guno iyo taageerada uu u baahan yahay miiska loo saaro sida uu yiri.

Caaqilka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay garab taagnaadaan ciidamada oo ay ku booqdaan furinta si niyada loogu dhiso, waxaana u soo jeediyay baaq ciidamada dowladda ah oo ku saabsan in aanay iibsan hubka iyo rasaasta, shacabkana aanay dhac iyo dil u geysan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay siminaarkan C/llaahi Cabdulle Wehliye waxaana uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in talada dib shacabka loogu celiyo, si nidaam ku dhisan cadaalad islaami ah oo aan qori caaradii aheyn loo helo, lagana baxo qabyaaleysi iyo is kooxeysi.

Xasan Maxamed Diirshe oo ka mid ahaa nabadoonda ka qeyb galay ayaa ka hadlay dhalinyarada loo adeegsado hurinta dagaalada, gaar ahaan xagjirnimada diinta, gaar ahaana Umada loogu soo gambaday diinta Islaamka, ayna muhiim tahay in culimada wacyi-geliyaan dhalinyarada la qalday si ay u qiraan waxa runta ah.

Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in odayaasha ay mar hore ka tala bixiyeen khilaafka, hadana uu gaaray heer uu xadkii ka baxay, waxaana uu tilmaamay in sida kaliya ee lagu xalin karo ay tahay inay isu tanaasulaan.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Hey'adda UYS inay howshooda sii wadaan, si aanay uga daalin xaaladaha jira, waxaana uu sheegay in xalka umada hada uu soo dhow yahay, isla markaana shacabka loo baahan yahay inay nabada ka shaqeeyaan.

Cali Seeko ayaa xusay in Al-Shabaab laga adkaanayo, isla markaana ajaaniibta ka bar bar dagaalanta loo baahan yahay in shacabka isaga kaashado sidii loo soo qaban lahaa, isla markaana la sameeyo, sidii warka sirta ah dowladda loo soo gudbin lahaa, si gacanta loogu soo gudbiyo.

Siminaarkan oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka ayaa noqonaya kii u horeeyay ee sanadkan cusub ee Hey'adda UYS ay u qabato, iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay Hey'adu qabatay siminaaro, dood cilmiyeed iyo kulamo lagu wacyi gelinayay bulshada qeybaheeda kala duwan.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya