3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Dowladda Mareykanka oo xirtay Askari la sheegay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Xarakada Al-shabaab

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Askari hore oo ciidamada Mareykanka ka tirsanaa kana soo-jeeda Maryland ayaa lagu eedeeyay inuu qalab ku taageerayay Xarakada Al-shabaab oo Mareykanka looga aqoonsan yahay koox argagaxiso ah.

Dacwad-oogayaal maxkamadda federaalka dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay, Craig Baxam oo 24-jir ah inuu gacan siinayay Al-shabaab, iyadoo la sheegay in la xiray askarigaas maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay.

"Waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu qalab ku taageero Al-shabaab. Waxaa lagu xiray Maryland kaddib markii uu kasoo laabtay safar ku aaday Afrika," ayay yiraahdeen dacwad-oogayaasha maxkamadda federaalka Mareykanka.

Mr. Baxam ayaa la sheegay inuu Mareykanka ka tagay bishii Diseember ee sannadkii lasoo dhaafay iyadoo xilligaas ay xirtay xukuumadda Kenya iyadoo looga shakiyay inuu doonayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Al-shabaab.

Askarigan hore ayaa la sheegay in FBI-du ay wareysi kula yeelatay Kenya, ayna dib ugu celisay Mareykanka, halkaasoo uu hadda ku xiran yahay. Waxaana laga yaabaa in haddii lagu helo dambigan uu muteysano karo ugu yaraan 15-sano oo xabsi ah.

Craig Baxam, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ciidamada Mareykanka laga soo billaabo sannadkii 2007 illaa bishii July 2011, iyadoo la sheegay inuu kasoo shaqeeyay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq iyo dalka Kuuriya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/10/2012 11:26 AM EST
Gabadhan yar oo jirta 10 sano, ayaa lagu magaacaabaa Nimco Cismaan Ibraahim, iyadoo haatan lagu hayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, oo ay ka dayriyeen xaaladadeeda dhakhaatiirta loo geeyay ee dalka Kenya.

1/10/2012 9:54 AM EST
Allaha u naxariistee marxuum Ugaas Ibraahin Ugaas Cabdulaahi ugaas Axmed oo ahaay ugaaska beesha reerow Xasan ayaa xalay ku geeriyodey magalada Feer-feer.

1/10/2012 9:24 AM EST
Waxaa garonka City Stadium ee magalaadda Nairobi lagu soo gaban gabeeyay tartankii Nabadda iyo Is dhexgalka ee jaaliyadaha East Africa ee "East African peace and Integration Football Tournament" waxaana ciyaartii kama dambeysta aheyd ay shalay dhex martay xulalka Jaaliyadaha Kenya iyo Somalia.

1/10/2012 8:15 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Dagaal ay ku dhaawacmeen saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada wadooyinka ee loo yaqaan taraafikada ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo dagaalkan uu socday muddo kooban.

1/10/2012 8:08 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Kulan xildhibaannada taageersan Shariif Xasan ay maanta ku yeesheen xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxay soo saareen warbixinay kaga soo horjeesteen doorashadii xildhibaan Madoone Nuunow Maxmaed iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa koowaad.

1/10/2012 7:43 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Hay'adda TIKA oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay dib u dhis ku sameynayso jidadka burbursan ee Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

1/10/2012 7:12 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Shirkii madaxda baarlamaanka dalalka IGAD ee ka socday dalka Jabuuti ayaa oo lasoo gabgabeeyay ayaa war-murtiyeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay in shirkaas ay Soomaaliya ku matalayeen xubnihii uu horkacayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey.

1/10/2012 7:03 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Taliyaha ciidamada AMISOM, Major Jen. Fred Mugisha ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadooda ay Baladweyne kala wareegi doonaan ciidamada Itoobiya ee ka qabsaday Xarakada Al-shabaab bishii lasoo dhaafay.

1/10/2012 6:45 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Maceeshadda iyo sarifka lacagaha ayaa bilihii u dambeeyey aan wax isbedel ahi ku dhicin, ka dib markii ay muddo qiimaha sarifka Lacagta qalaad gaar ahaan Dollarka Maraykanka uu muddo hoos u dhac weyni ku dhacay, taas oo qoysaska dibadaha laga soo biiliyaa ay kala kulmeen khasaare weyn.

1/10/2012 6:40 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Wararka aynu ka heleyno deegaanka Taabto ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo garab ka heleya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

1/10/2012 6:40 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Kuulliyadaha Maareynta iyo teknoolijiyada Software ka ayaa shalay ganacsatada magaalada Boorama usoo bandhigtay sida cilmigaasi looga faa'iideysto ganacsiga.

1/10/2012 6:34 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Siminaar looga hadlayay sida loo dhiira gelin karo, Nabada, Ammaanka iyo Xasiloonida Bulshada Soomaaliyed ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Odayaal dhaqameedyo, xildhibaano iyo Mas'uuliyiin ka socday dowladda.

1/10/2012 2:34 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo shir looga hadlayay fulinta Roadmap-ka uga qaybgalay magaalada Nairobi Isniintii shalay ahayd ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inaysan waqtigii loo baanaa ku bixin dhaqaalihii lagu fulin lahaa Roadmap-ka.

1/10/2012 2:10 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay cajalad ay ku sheegtay inay go'aansatay dagaal ka dhan ah dalka Kenya, iyadoo hoggaanka dagaalkaas u magacowday Sheekh Axmed Iimaan Cali oo aan dhalasho ahaan la sheegin dalka uu kasoo jeedo.

1/10/2012 2:09 AM EST
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Xildhibaan Max’ed Amiin Xassan C/llaahi oo ka mid ah mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaaliya oo xiligan ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan ayaa sheegay in qabashada magaalada iska kaashadeen dowladda KMG iyo ciidamada Itoobiya.