4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Beesha Caalamka ku eedeeyay inaysan bixin dhaqaalihii lagu fulin lahaa Roadmap-ka

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo shir looga hadlayay fulinta Roadmap-ka uga qaybgalay magaalada Nairobi Isniintii shalay ahayd ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inaysan waqtigii loo baanaa ku bixin dhaqaalihii lagu fulin lahaa Roadmap-ka.

Dr C/weli Gaas wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay fulisay waxyaabihii kaga aadanaa heshiiska Roadmap ee lagu gaaray Muqdisho 06-September, 2011, isagoo xusay in dhinaca gaabiska uu ka yimid ay tahay beesha caalamka.

"Waxaan kula talinayaan beesha caalamka inay DKMG ah ka taageerto sidii ay meel-mar ku noqon lahaayeen qorshayaasha lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya, loogana baxayo xilliga KMG ah ee lagu shaqeeyo," ayuu ra'iisul wasaaruhu ka sheegay shirkii ka dhacay Nairobi.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay uga mahadcelinayaan cid walba oo gacan ka geysata howlaha horay loogu wadayo dalka Soomaaliya, si uu xilligan xun uga baxo.

"Tan iyo markii la ii magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya muddo laga joogo shan bilood xukuumadeydu waxay qabatay shaqo adag oo lagu fulinayay Roadmap-ka innagoo haysana dhaqaale aan nagu filnayn, sidoo kale waxaan ka shaqeynay howlo badan oo ay ka mid yihiin dib u soo celinta ammaanka," ayuu ku sheegay ra'iisul wasaaruhu khudbad uu shirka ka jeediyay.

Waxyaabaha uu ra'iisul wasaaruhu hoosta ka xariiqay ayaa waxaa ka mid ah in la qabtay degmooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Baladweyne, Dhoobley iyo kuwo kale, iyadoo qabsashada degmooyinkaas ay gacan ku siiyeen dowladda ciidamada Kenya, kuwa Itoobiya iyo ciidamada AMISOM oo ka socda Uganda iyo Burundi.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dowladdu ay xoogga saartay sidii ay u kordhin lahayd daqliga gudaha laga helo, isagoo xusay inay sidoo kale xiriirro wanaagsan la sameysay maamullada dalka ka jira oo uu xusay in markii hore uusan xiriir wanaagsan kala dhexeyn dowladda dhexe.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dib u dhis ku sameysay ciidamada milateriga Soomaaliya oo ku burburay colaaddii dalka ka taagnay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, isagoo sheegay in ciidamadaas ay ku guuleysteen inay dalka dib qabtaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya