4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Xarakada Al-shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan dalka Kenay, hoggaanna u magacowday dagaalkaas

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay cajalad ay ku sheegtay inay go'aansatay dagaal ka dhan ah dalka Kenya, iyadoo hoggaanka dagaalkaas u magacowday Sheekh Axmed Iimaan Cali oo aan dhalasho ahaan la sheegin dalka uu kasoo jeedo.

Sheekh Cali oo ku hadlayay afka sawaaxiliga ayaa sheegay ku sheegay in qofkii Alle u gargaara isaguna uu u gargaarayo, isagoo sheegay in dagaalka jihaadka ah ee ay wadaan uu u wareegay dalka Kenya, kaasoo jawaab u ah howlgalka milateri ee Kenya ay kawaddo Soomaaliya.

"Kenya waxay caddeysatay dagaal ka dhan ah Soomaaliya iyo Jihaadka, waxaan u sheegaynaa in jihaadka aan u wareejinnay gudaha Kenya," ayuu yiri Sheekh Cali oo ka hadlayay cajaladaha fiidiyowga ah.

Hoggaamiyahan cusub ee Al-shabaab ay u magacowday dagaalka ka dhanka ah dalka Kenya ayaa wuxuu ugu baaqay dhallinyarada dalkaas inay kasoo qaybgalaan dagaalka jihaadka ah ee ay ku dhawaaqeen.

Fiidiyowga oo lasoo dhigtay barta Youtube ayuu hoggaamiyahan ku sheegay in dagaalka ay Kenya ay kusoo qaaday gudaha Soomaaliya uusan ahayn mid lagula dirirayo Al-Qaacida iyo Al-shabaab midna balse uu yahay mid ujeeddo kale leh.

Waa markii ugu horreysay oo ay Xarakada Al-shabaab ay sheegto inay dagaal toos ah la galayso dowladda Kenya, iyadoo horay dhowr jeer ugu jeedisay hanjayaadyo ku saabsan inay dib uga laabato Kenya go'aanka ay kusoo gashay Soomaaliya.

Hanjabaaddan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo laga digayo qaraxyo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Nairobi, waxaana dalal ay ka mid yihiin Ingiriisku uu ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan Kenya inay socodka taxaddar dheeraad ah muujiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya