10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2012
Nuqulo lacag cusub ah oo Somaliland soo Daabacatay iyo sida ay Dadweynuhu u Arkeen Lacagtaasi

Sabti,  Febraayo 04,2012 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa dhowaan soo daabacatay nuqulo cusub oo lacagta Somaliland Shilling ah, kuwaas oo aan hore looga isticmaali jirin dalka.

Lacagtan cusub ee aan hore dalka looga isticmaali jirin ayaa kala ah nuquladda 5000 slsh iyo 1000 slsh oo isku dhagsan, taas oo fududaysay qaadashadda Lacagta, isla markaana lagaga maarmay lacagtii qalaad ee fudayd darteed dadku jeebadaha ku qaadanayey.

Hadaba lacagtan oo dadku markii hore ka werwersanaayeen oo ka baqayey inay sixir barar iyo qiimo jabku yimaadda Lacagta Somaliland ayaanay taasi dhicin ka dib markiii Baanka dhexe xakameeyey lacagtaaasi, taasina waxay keentay in dadweynuhu si weyn usoo dhoweeyeen lacagtan cusub ee nuquladda isku dhagsan ee lagu soo daray lacagtii hore ee la isticmaalayey.

“ Dadku markii hore waxay ka cabsi qabeen inay sixir barar la timaaddo Lacagtan cusubi, laakiin markii  la isticmaalay waxaanu ogaanay inay tahay mid fudud oo aanu jeebka ku qaadan karno, isla markaana aanu kaga raysanay lacagtii qalaad ”ayuu yidhi Axmed Muxumed oo ka mid ah dhalinyaradda Magaaladda Hargeysa ku nool oo ka hadlayey sida uu u arkay lacagtan cusub.

“ waxba iskama bedelin sarifkii lacagta, intii hore wixii lagu sarifi jiray ayuun baa lagu sarifaa, inta badana waxa xadida lacagtan Baanka dhexe ee Somaliland oo aan suuqa ku sii wadda deyn, taasi ayaa keentay in aanu sarifku waxba iska bedelin, isla markaana aanay sixir barar aanay keenin ” ayuu yidhi Xasan Xuseen oo ka mid ah sarifleyaasha magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, nuquladan cusub ee ka kooban 5000 (shanta kun) ee isku dhajisan oo hal waraaq ah iyo 1000 SLSh (kun Shiling Somaliland)  oo isna isku taalla ayaa khilaaf badan ka dhashay ka hor intii aanla soo daabicin, is markaana ay dadku ka baqayeen inay lacagtan cusubi keento qiimo jab ku yimaadda lacagta Somaliland iyo lacagta ka yar nuquladan la soo daabacay oo meesha ka baxa.

Nuqulada lacagta Somaliland ka kooban tahay ayaa ah nuqulka tobanka shilin, Boqolka shilin iyo Shanta boqol oo ay ugu weynayd ka hor inta aan labadan nuqul ee cusub lagu soo kordhin.

Labadan nuqul ee cusub ee kunka iyo shanta kun ka kooban ayaa bishii hore horaanteeddii dalka soo gaadhay, isla markaana ay dadku jeclaysteen, inkastoo dadka waaweyni aanay inta badan jeclaysan maadaama oo aanay wali sifiican u kala baran nuquladan cusub, balse dhalinyarada ayaa inta badan aad ugu sarifta isla markaana aad u jecel isticmaalkeedda maadaama oo ay fudud tahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland