4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2012
Xoogaggii Ururka Al-shabaab oo isaga baxay Jowhar iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku Wajahan Degmadaas

Axad, December 09, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas iyadoo sii daayay maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen saakay goobihii ay ku sugnaayeen sida saldhigga booliiska iyo xarunta maamulka gobolka, waxayna sii maxaabiistii ay hayeen, iyadoo sidoo kalena la xiray goobihii ganacsiga.

"Xaaladdu waa mid kacsan, dagaalyahannadii Al-shabaab degmada way isaga baxeen, waxay sii daayeen maxaabiistii xabsiga ku jirtay, ganacsiga oo dhanna waa la xiray," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Jowhar oo magaciisa sababo ammaan u qariyay.

Degmada Jowhar ayaa ah degmada ugu weyn ku hartay gacanta Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya la sheegay inay ku wajahan yihiin degmadaas iyagoo maraya laba jid.

"Qof walba wadnaha ayuu farta ku hayaa... waxaa laga bayaa isbedelka dhacaya sida uu noqon doono... inkastoo Al-shabaab ay isaga baxeen degmada haddana cabsi weyn ayaa jirtay," ayay tiri haweeney ku sugan degmada Jowhar.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay degmadaas xalay u jirsadeen masaafo ka yar 10-km, taasoo loo maleynayo inay sababtay in Xoogagii Al-shabaab ay isaga baxaan degmadaas oo ay tan iyo sannadkii 2009 ka talinayeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u aragta degmada Jowhar oo 90-km waqooyi kaga beegan Muqdisho inay muhiim u tahay, waxaana tan iyo sannadkan bartamihiisii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wadeen qorshe ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya