4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Dadkii ku Dhintay Qaraxii Islii oo la Aasay iyo Madax sare oo katirsan Dowladda Kenya oo Booqday Xildhibaan Yuusuf Xasan [SAWIRRO]

Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dadkan oo gaaraya ilaa shan qof ayaa lagu kala aasay qabuurayaasha lagu aaso dadka muslimiinta ah ee ku yaal Langatta iyo Kariakor.

Dhinaca kale madax sare oo katirsan dowladda Kenya oo uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka dalka Kenya Kolonzo Musyoka ayaa booqday dhaawaca xildhibaan Yuusuf Xasan oo yaal isbitalka Aga Khan ee magaalada Nairobi.

Booqashada madaxweeyne ku xigeenka ayaa waxa ku wehlinayay masuuliyiin iyo xildhibaano kale oo katirsan dowladda Kenya oo uu kamid yahay Xildhibaan Max’ed Cabdi Afeey.

Madaxweeyne ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee isbitalka ayaa sheegay in ay isbitalka ay u yimaadaan si ay u eegaan xaaladda caafimaad ee xildhibaanka, wuxuuna u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay xaafadda Islii.

Xildhibaanka ayay inoo suurogeliweysay in aan isbitalka ku booqanno, haseyeeshee xoghayaha xildhibaan Yuusuf Xasan oo lagu magacaabo Max’ed Ismaaciil Shiine ayaa HOL u sheegay in xaaladda caafimaad ee xildhibaanku ay aad u wanaagsantahay.

Xildhibaan Max’ed Cabdi Afeey oo kulanka kadib aan ka wareysannay xaaladda Xildhibaanka ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu aad u wanaagsanyahay islamarkaasina dhaawaca gaaray uusan ahayn sidii loo maleynayay, wuxuuna xusay in dhaqtarka uu u xaqiijiyay in xaaladda xildhibaanku tahay mid aad u wanaagsan.

XIldhibaanka ayaa sheegay in ay soconayaa baaritaanno la xiriira ciddii ka danbeeysay weerarka, wuxuuna xusay in dowladda ay ugu baaqeen in ay qaado tallaabo deg-deg ah oo ku aadan qaraxii ay dadka badan ku waxyeeloobeen ee ka dhacay masaajidka Al-hidaaya ee xaafadda Islii.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Islii in weerarkani aysan u  qaadan arin Soomalida iyo Kenyanka u dhexeysa, Soomaalida waa dad wadanka u dhashay cid looga baryayo arintaasina ma jirto, marka waxaan ugu baaqayaa in ay is dajiyaan,” ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

Ugu danbeyn xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan xaafadda Islii in ay la shaqeeyaan booliska islamarakaasina ay kusoo wargeliyaan wixii macluumaad ah oo ay hayaan.

Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Booliska Kenya ayaa maanta lagu soo daadiyay xaafadda Islii, waxayna ka wadaan baaritaanno gur-guri ah, kuwaasoo ay ku qabqabteen dad badan, waxaana howlgallada ay fulinayaan ciidamadu ay cabsi ku abuureen Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

……..

Xasan Nuur, Hiiraan Online, 
[email protected]
Nairobi – Kenya