4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Taliyaha Booliiska Baydhabo oo sheegay in Sarkaalka FAO ka tirsan oo ay xireen loo haysto inuu Al-shabaab la shaqeynayay

Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska degmada Baydhabo ee gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay'adda FAO oo ay gacanta ku hayaan loo haysto dambi ah inuu la shaqeyn jiray Al-shabaab.

Col. Mahad ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sarkaalka oo lagu magacaabo Idiris Cabdi Dhakhtar isagoo sheegay in haddii dambiga lagu helo la horkeeno doono maxkamad haddii lagu waayana lasii dayn doono.

"Sarkaalkan innaga ayaa xirnay, waxaana kasoo qabannay gurigiisa; waxaan helnay fariin ah inuu la shaqeeyo Al-shabaab," ayuu yiri taliyaha booliiska Baydhabo oo intaa ku daray inay hadda ku hayaan xabsiga dhexe ee Baydhabo.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in sarkaalka ay habeen hore ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolk kala soo baxeen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Horseed, iyadoo markiibana la geeyay xabsiga Baydhabo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Ma jirto hay'ad ka tirsan UN-ka oo nagala hadashay xariga sarkaalkan, waana nin reer Baydhabo ah oo hay'adaha caalamiga ah si aad ula shaqeyn jiray.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan hay'adaha samafalka lagu xiro degmada Baydhabo, iyadoo taliyuhu uu sheegay in qof walba oo ay u arkaan inuu yahay dambiile ay xiri doonaan, darajiid uu doono ha lahaado ama hay'addii uu doono hala shaqeeyeen.

"Haddii aan sarkaalka siin lahayn fursad waxaan ka baqnay inuu nagu dalbado kuwa wax toogta oo magaalada ka buuxa, sidaa daraadeed markii fariinta aan helnay horay ayaan ka xirnay," ayuu Col. Mahad C/raxmaan hadalkiisa raaciyay.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya kala wareegeern xoogagga Al-shabaab, iyagoo maalin walba ka geysta halkaas falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay bartilmaameed uga dhiganayaan saraakiisha maamulka, ciidamada iyo dadka maamulka la shaqeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya