3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Munaasabad dib loogu furayay Dugsigii Hoose/Dhexe ee SAACID/Dhagaxtuur oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka kala socotay bahda waxbarashada iyo hay’adda waddaniga ah ee Saacid ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu dib loogu furayay dugsiga hoose iyo dhexe Saacid/Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
 
Munaasabada furitaanka oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay madaxdii xafladaas kasoo qaybgalay, kuwaasoo si wadajir ah u soo  dhaweeyay dib u furitaanka dugsigaas.

Xaawo C/lle Maxamuud oo ah maamulaha dugsiga iyo Yuusuf Maxamed Cabdulle oo ah kormeeraha waxbarashada ee hay’adda Saacid oo munaasabadda hadallo ka kala jeediyay ayaa waxay si aad ah ugu dheeraadeen taariikhda dugsiga iyo heerarkii uu soo maray, waxayna tibaaxeen in dugsiga uu yahay mid hore u soo jiray, balse dib loo furayo maanta, iyagoo intaa raaciyay in dugsiga ay iminka wax ka baranayaan arday gaaraysa 380, kuwaasoo kasoo jeeda qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa saboolka ah.
 
Mas’uuliyiintan waxay caddeeyeen in dugsigu yahay mid waxbarashadiisu ay lacag la'aan tahay, iyadoo sheegay in dugsiga uu ka mid yahay illaa lix dugsi oo ku yaalla magaaladda Muqdisho; ayna gacanta ku hayso hay’adda waddaniga ah ee Saacid; ayna taakuleyso hay’adda UNICEF, kuwasoo bixiya waxbarasho lacag la’aan ah.
 
Guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdi Maxamuud Warsame (Dhabanay) oo isaguna hadal ka jeediyay xafladda furitaanka dugsiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dib u furidda dugsiga Dhagax-tuur, wuxuuna ballan-qaaday in degmo ahaan ay ka geysan doonaan gacan horumarinta dugsiga, isagoo u mahadceliay haya'daha kala ah SAACID iyo UNICEF oo suuro-geliyay dib u furidda dugsiga.
 
Madaxa Waxbarashada hay’adda UNICEF, Maryan Abkow oo iyana khudbad halkaas ka jeedisay ayaa ku nuux-nuuxstay sida ay ugu qanacsan tahay habka wanaagsan ee loo hawl-geliyay dugsiga Dhagax-tuur, waxayna tilmaantay in UNICEF ay ka go’an tahay taageridda dugsiga, waxayna dadka deegaanka ugu baaqda inay ka faa'iideystaan waxbarashada lacag la’aanta ah ee dugisgaas uu bixinayo.

Ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya, Abuu Cali Sheekh oo rasmi ahaan xarigga uga jaray dugsiga ayaa xusay in wasaaradda waxbarashadu ku faraxsan tahay in SAACID ay dib u howgeliso dugsigii ugu horreeyay oo lacag la’aan ah tan iyo intii laga baxay ku KMG-nimada. Wuxuuna ka codsaday hay’adda SAACID inay degmooyinka Muqdisho ku ballaariso dugsiyada noocan oo kale ah, isagoo balan-qaaday in wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto taaba-gelinta waxbarashada dugsigaas iyo tababar-siinta macalimiinta iskuulka.

Gabagabadii munaasabada ayaa marti-sharaftii kasoo qayb-gashay oo dhan waxay soo booqdeen maktabadda dugsiga Dhagax-tuur oo ay yaalliin buugag waxbarasho oo kala duwan; iyadoo halkaas laga caddeeyey in dugsiga Dhagax-tuur uu yahay dugsiga keliya ee leh maktabad noocan oo kale ah oo ku yaalla Muqdisho.
 
Intii ay socotay munaasabadda ayaa ardayda dugsiga waxay xafladda kusoo ban-dhigeen suugaan ka turjumaysa qiimaha waxbarashada iyo waddan jacaylka; iyadoo munasabada ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socotay wasaaradda kala duwan ee dowladda sida, wasaaradda waxbarashada, dalladaha waxbarashada ee ahliga ah, qaar ka mid hay'adaha caalamiga iyo madaxda hay'adda SAACID iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/5/2012 8:28 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Kulankan oo ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayna ka qaybgaleen guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho.

12/5/2012 8:25 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dlaka Turkiga ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Ankara dhiiggiisa dalkaas, Cabdalla Gull iyagoo kawada hadlay adkeynta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo arrimo kale.

12/5/2012 8:24 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha Isbaheysiga nabadda, C/llaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliilo kala duwan u jeediyay madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo dhinac kalena talooyin u soo jeediyay.

12/5/2012 7:00 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Sugurre ee duleedka Boosaaso.

12/5/2012 3:23 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) —Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga, iyadoo lagu wado inay maanta kulammo la billaabaan madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gull.

12/5/2012 2:12 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Shirkad lagu magacaabo Horn of Africa Airline ayaa ka billowday Muqdisho duulimaadyo joogto ah oo ay ku tagayso degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne oo ay ku sugan yihiin ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo duulimaadyadan ay soo dhaweysay AMISOM.

12/5/2012 1:43 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 11 askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaal deegaanka Sugurre ee gobolka Bari xalay saqdii dhexe ku dhexmaray ciidamada Putland iyo xoogagga Al-shabaab ee Buuraleyda Gollis iyo qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Puntland.

12/5/2012 1:29 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay madaafiic xalay ku dhacay degmooyinka Boondheer iyo Wardhiigley oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

12/5/2012 1:27 AM EST
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baydhabo iyo Qasaxdheere ee gobolka Bay.