4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Al-shahaab oo sheegtay inay Gobolka Shabeellada dhexe kula dagaalamayso Ciidamada Dowlada iyo AMISOM
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo bishan looga qabsaday dagaal la'aan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay ku weerarayaan degmooyinka gobolkaas ee ka maqan gacantooda, iyagoo sheegay in gobolka uu galay xaalad dagaal.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-tukade) oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay inay qorsheynayaan weerarro ay la beegsadaan ciidamada ku sugan degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM.

"Xaaladda gobolka Shabeellada dhexe waa mid dagaal waxaana wadnaa qorshe aan ku weerarayno deegaannada ay cadowgu kaga sugan yihiin, sida degmooyinka Jowhar iyo Balcad iyo weliba inta u dhexeysa," ayuu yiri Sheekh Kaba-ku-tukade.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerarrada ay qaadayaan ay noqon doonaan kuwo ay ku dhiig-bixinayaan ciidamada deegaannadaas ku sugan oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku soo duulay dalka iyo isku xukunka diinta Islaamka.

"Dhawaan gobolka Shabeellada dhexe waxaa ka billaaban doona dagaallo ugu dambeyn lagu qaban doono Xamar, waxayna dagaalladeennu noqon doonaan kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah iyo kuwo toos ah," ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax hadal ah kasoo saarin hanjabaadda Al-shabaab ee ah inay weerarro toos ah iyo kuwo dadban la beegsan doonto ciidamdooda ku sugan gobolka Shabeellada dhexe.

Tan iyo markii uu billowday sannadkan waxaa xoogagga Al-shabaab lagala wareegay deegaanno badan oo ay xoog ku lahaayeen; kuwaasoo ay ka mid yihiin Baydhabo, Baladweyne, Xudur, Kismaayo iyo Marko.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya