4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Isbitaalka Baladweyne kulan wadatashi ah kula yeeshay Qeybaha Bulshada

Axad, December 30, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay gudaha isbitaalka magaalada Baladweyne qeybaha bulshada iyo guud ahaa shaqaallaha isbitaalka, kadib markii ay joojisay hay’adda MSF gacantii ay sii jirtay isbitaalka guud ee Baladweyne.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah loogana arinsanayay sidii loo sii wadi lahaa adeegyada caafimaad ee uu isbitaalka u qabto bulshada ku dhaqan gobollka, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dad ka kooban qeybaha bulshada, mas’uuliyiinta iyo shaqaallaha ka howlgala isbitaalka.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadllay madaxa caafimaadka Isbitaalka Baladweyne Axmed Max’ed Khaliif oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray isbitaalka iyo sababaha keenay in hay’adda MSF Swiss joojiso gacantii ay siin jirtay isbitaalka.

"Hay’adda MSF Swiss waxaa ay noo sheegtay in howlihii ay ka hayeen Soomaaliya intoodii badneyn joojiyeen, inta dhimanna joojin doonaan, sababo la xiriira shaqaalle iyaga ka tirsan oo afduub loogu heysto gudaha dalka Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaa ay na siiyeen dawada ilaa sadax bilood lagu sii socodsiin lahaa isbitaalka, sidaana ayeeyna ku joojisay kaalmadii ay siin jirtay isbitaalka," ayuu yiri Axmed Maxamed Khaliif.

Madaxa caafimaadka isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo istaagay sidii loo sii wadi lahaa howlaha isbitaalka.

"Waxaa rabaa in aan halka ka cadeeyo guddoomiyaha gobollka waxaa si gaar ah uu ugu deeqay isbitaalka lacag dhan $ 2500 oo doolar oo uu bil walba siinayo isbitaalka si loogu kaalmeysto biyaha, korantada iyo nadaafada isbitaalka," ayuu mas'uulkani hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale madaxa caafimaadka gobolka, Dr. Xasan Cumar Siyaad oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in hay’adduhu ku shaqeeyaan waqti iyo mudo la og-yahay marka ay uu dhamaadana waqtigii loogu talagalay joojiyaan howlahooda, laakiin looga baahan yahay bulshada gobollka in ay mar walba gartaan in ay isbitaalka iyaga leeyihiin loogana fadhiyo sidii ay u sii socodsiin lahaayeen howlihiisa.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax oo intaa kaddib hadlka qaatay ayaa siweyn ugu dheeraaday muhiimada isbitaalka iyo waliba taariikhda fog ee uu leeyaha, waxaana uu uga mahad celiyay hay’adda MSF Swiss mudadii lixda sano aheyd oo ay gacanta ku heysay isbitaalka.

Laakiin waxaa uu sheegay in marnaba arin dhici karta aysan aheyn in isbitaalka Baladweyne uu u xirmo hay’adda MSF ayaa joojisay gacantii ama kaalmadii ay sii jirtay.

"Marka hore waxaan leenahay hay’adda MSF wey mahadsan tahay, laakiin aan isweydiino mar haddii ay hay’addu guurtay isbitaalkii Baladweyne sidaa miyeey ugu dhamaatay oo waa uu xirmayaa miyaa… maya..maya.. arintaa wax dhici kara ma’aha, isbitaalku waa uu shaqeynayaa, waliba in ka badan intii ay gacanta ku heysay hay’adda MSF," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan in habeen iyo maalin isku taagi doonaan sidii loo gacan siin lahaa isbitaalka, madaama ayuu yiri la og-yahay kaalita caafimaadka uu kaga jiro nolasha aadanaha.

Waxaa uu si gaar ah fariin ugu dirray dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarrada hormarinta adeega bulshada isaga oo ugu baaqay in ay soo faragaliso xaalada isbitaalka magaalada Baladweyne oo isbitaal guud oo bulshada u dhaxeeya.

"Waxaan leenahay dowladda Soomaaliya oo aan ugu baaqeynaa waa in aad soo faragalisaan xaalada isbitaalka Baladweyne, xitaa haddii aadan awood badan laheyn, waxaan aaminsan-nahay in aad naga cod dheer tihiin, sidaa daraadeed waa in aad nagu caawisaan codkiina," ayuu C/fitaax Afrax hadalkiisa ku daray.

Waxaa kulanka intii uu socday lagu soo bandhigay Account N0 oo cidii daneyneysa in ay caawiso isbitaalka dhaqaale u soo marin karto waxaana uu noqonayaa {BWYD000360} kaasoo ka furan shirkada Dahab-shiil.

Dhinaca kale, Maryan Max’ed Cabdul oo ah marwada guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa dhinaceeda maanta ugu deeqday isbitaalka guud ee Baladweyne kuna wareejisay maamulka Isbitaalka 124 Joodari oo loo isticmaali doono sariiraha yaala isbitaalka, waxaana ka guddoomiya maamulka isbitaalka Baladweyne.

Waxaa ay sheegtay Maryan in gacantan aysan noqon doonin tii ugu danbeysan, laakiin mar walba la bar bar taagan tahay isbitaalka wax ka qabashada xaalad kasta oo la soo darista.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya