4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Maalin walba kasoo dagaan dad ka imaanaya Magaalada Nairobi

Axad, December 30, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ah mid aad u mashquul badan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay iyadoo halkaas ay kasoo degaan maalin walba in ka badan 100 qof oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay inay kordhiyeen duulimaadyadii ay kaga imaan jireen magaalada magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaddib markii xukuumadda dalkaas ay amar ku bixisay in Soomaalida aan sharciga lahayn ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga.

Qaar ka mid ah Soomaalidii kasoo laabtay dalka Kenya ayaa sheegay inay go’aansadeen inay dalkooda kusoo laabtaan kaddib markii lagu amray inay isaga baxaan dalka Kenya.

Sidoo kale, xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay Soomaalidu daggan tahay ayaa waxaa laga dareemayaa buuq fara badan, iyadoo goobaha laga goosto tigidhada diyaaradaha iyo kuwa basaska lagu arkayo dadweyen fara badan oo doonaya inay tigidho iibsadaan.

“Maalin walba waxaa baxa dad fara badan, waxaana kordhinnay basaska maalin walba u baxa deegaannada ku dhow xuduudda ay wadaagaan Somaaliya iyo Kenya. Dadka dalkooda u laabanaya waxay wataan alaabo badan waxayna taas keentay in albaaba si jaban looga iibsado maadaama ay baxayaan,” ayuu C/risaaq Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda basaska ee Muxsin oo la hadlayay BBC-da.

Xaliimo Abuukar Maxamed oo iyada iyo qoyskeeda ay u soo ambabaxayeen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa iyaduna BBC-da u sheegtay inay go’aan ku gaareen inay u soo guuraan Muqdisho oo aysan dib dambe ugu soo laaban Nairobi.

Dadka Soomaaliyeed ee isaga soo baxaya Niarobi ayaa waxay ku wajahan yihiin qaarkood magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya, sida magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Boosaaso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya