4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Ururka Shaqaalaha Aduunka oo Tababar usoo Xiray Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir

Isniin, December 03, 2012 (HOL) —Ururka shaqaalaha aduunka ee (ILO) ayaa maanta tababar usoo xiray xubno katirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

Tababarkan oo ahaa mid lagu baranayay mashaariicda dhismaha gobolka ayaa waxa uu socday mudo todobaad ah, waxaana ka faa’iideystaay injineero katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Max’ed Xuseen Rooble oo ah xubin katirsan hay’adda ILO islamarkaasina kamid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay ayaa sheegay in tababarkani uu yahay mid sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dowladda hoose ee xamar, isagoona xusay in tababarro kuwan lamid ah ay ka wadaan inta badan gobollada dalka

Xubnihii maamulka gobolka Banaadir ee tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in mudadii uu tababarka socday ay ka faa’iideeysteen casharro la xiriira mashaariicda dhismaha, iyagoona amaanay macalimiintii tababarka bixineysay.

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir Cali Axmed Guure oo hadal ka jeediyay xafladii tababarka loogu soo xirayay xubnaha maamulka gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay shaqaalaha hay’adda ILO, isagoona sheegay in tababarka ay ka faa’iideeysteen waxyaalo badan oo muhiim ah.

Ugu danbeyn ayaa waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay xubnihii uu tababarka u socday, waxaana masuuliyiinta hay’adda ILO ay goobta ka sheegen in ay sii wadi doonaan tababarrada la xiriira sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya