4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo sheegay in Toddobadka soo socda la soo dhameystirayo Ciidamada Jabuuti
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lasoo dhameystiri doono toddobaadka soo socda.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in Jabuuti ay sii wado doonto tababarrada ay siinayso ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan inay iska caabiyaan dagaallada kaga imaanaya xoogagga Al-shabaab.

"Jabuuti waxay xalka Soomaaliya u aragtaa in dib u dhis lagu sameeyo ciidamada qalabka sida si amniga loo xaqiijiyana ay jamhuuriyadda Jabuuti sii wadi doonto tababarrada ay ciidamada dowladda ku siinayso gobolka Hiiraan," ayuu yiri danjire Dubad.

Ciidamada Jabuuti ayaa waxay ka howgalaan gobolka Hiiraan, iyagoo ka sameystay fariisimo ammaanka lagu sugayo bartamaha degmada Baladweyne, iyadoo hadalka danjiruhu uu imaanayaa xilli wasiirka gaashaandhigga Jabuuti uu shalay booqasho ku tagay degmada Baladweyne.

"Maalmaha Isniinta ama Talaadada soo socota ayaa lasoo dhameystiri doonaa tirada ciidamada Jabuuti ee qaybta ka qaadanaya howgalka AMISOM, kuwaasoo ah 800 illaa 900 oo askari, waxayna si buuxda uga howlgeli doonaan gobolka Hiiraan," ayuu yiri danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo la hadlayay Radio Muqdisho.

Dalka Jabuuti ayaa wuxuu kusoo biiray howgalka AMISOM bartamihii sannadkan, iyadoo ciidamadooda loo gudbiyay gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka howgeli doonaan, iyadoo lagu wado in ciidamada Itoobiya ee gobolkaas ku suganna ay dib ugu laabtaan xuduudda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya