4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Maxaabiis loo shakisnaa inay Xarakada Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Xabsiga Magaalada Baydhabo ka baxsaday
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Maxaabiis ku jirtay xabsiga degmada Baydhabo oo looga shakisnaa inay ka tirsan yihiin Al-shababa ayaa ka baxsay xalay xabsiga degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo mas'uuliyiinta gobolkaas ay u sheegeen warbaahinta inay socdaan baaritaanno ku aaddan qaabkii ay maxaabiistu ku baxsatay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in maxaabiistan in maxaabiistan ay jabsadeen darbiga xabsiga, halka kuwo kalena ay sheegayaan in loo fududeeyay inay xabsiga ka baxsadaan, iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo xabsiga baydhabo ay ka baxsadaan maxaabiis loo haystay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

"Maxaabiista baxsatay way jiraan, tiradooduna waa 20 qof, baaris lagu ogaanayo qaabkii ay ku baxsadeen ayaana socota, wixii baarista kasoo baxana saxaafadda ayaan u soo gudbiniaynaa," ayuu yiri C/fitaax Geeseey oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Baydhabo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay howgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan oo lala xiriirinayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ka sameynayay degmada Baydhabo iyo daafaheeda.

Mas'uuliyiinta xabsiga degmada Baydhabo ayaan ka hadlin baxsashada maxaabiistan lala xiriirinayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, inkastoo wararku ay sheegayaan in weli xabsigaas ay ku jiraan maxaabiis kale oo qaarkood loo haysto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab horraantii sannadkan, iyadoo tan iyo xilligaas ay Al-shabaab falal kala duwan ka geysanayeen gudaha iyo daafaha degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya