4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Codka u Qaadaya Xeer hoosaadyada ay ku shaqeynayaan
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta codka u qaadaan xeer hoosaadyada ay ku shaqeynayaan muddada uu baarlamaankan jiray oo afar sano ah, iyadoo horay ay mudanayaashu uga doodeen xeerkan.

Mudane Maxmaed Cumar oo ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaannadu ay maanta codka u qaadayaan xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan oo dib u habeyn lagu sameeyay.

"Waxaa lagu wadaa in maanta la ansixiyo xeer hoosaadka baarlamaanka, kaasoo ay wax ka bedel kusoo sameeyeen guddi gaar ah oo loo saaray, kaddib doodo xeerkan ay ka yeeshee xildhibaannada baarlamaanka lagana ururiyay fikradahooda," ayuu yiri xoghayaha oo sheegay in cod u qaadista ka hor la dhageysan doono warbixinno ay guddiga soo diyaariyay jeedin doonaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo laba toddobaad ka badan ka doodayay xeer hoosaadka baarlamaanka, iyadoo mudanaayashu ay uga hadleen qodob-qodob ayna codsadeen in qodobbada qaarkood wax ka bedel lagu sameeyo.

"Rajadu waa in la ansixiyo xeer hoosaadka, waayo baarlamaanku hadda ma lahan sharci uu ku shaqeeyo, sidaa daraadeed ayaa xoogga loo saaray xeerka in laga doodo codna la geliyo," ayuu yiri mudane ka mid ah baarlamaanka oo hadlay intii aanu kulanka furmin.

Xildhibaannada ayaa shalay loo qaybiyay xeer hoosaadka baarlamaanka ee wax ka bedelka lagu sameeyay, iyadoo maantana ay xildhibaannadu codka gelinayaan, sida uu shalay ka sheegay golaha shacabka guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya