3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la qaado Howlgallo lagu baacsanayo Xarakada Al-shabaab

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya, C/fataax Xasan Afrax ayaa ku baaqay in la qaado howgal ballaaran oo lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay inay hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay dalka ka baxsanayaan kaddib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku jabiyeen dagaallo ka dhacay deegaanno badan oo dalka ku yaalla.

“Waxaa muuqata in Al-shabaab aysan haysan meel ay uga baxsadaan Soomaaliya, sidaa daraadeed waa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada kooxdan la qabto ama la dilo, taasoo saldhig u noqon karta in deggenaashaha dalka uu dib u soo laabto,” ayuu yiri Afrax.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in Al-shabaab ay saldhigyo ka sameysanayaan deeegaannada Golis ee Puntland qaar ka mid ahna ay aadayaan dalka Yemen, iyagoo doonaya inay ku biiraan kooxda Al-Qaacida ee halkaas ka dagaalanta.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ay dhawaan qabsan doonaan degmada Buulo-burte ayna isku furi doonaan degmooyinka Ceelbuur iyo Xudur oo ku yaalla gobollada Galguduud iyo Bakool.

“Waxaan isku diyaarinaynaa dagaal aan la galno Al-shabaab si aan uga saarno goobaha ay ku harsan yihiin,” ayuu yiri Jen. Caanood oo ka gaabsaday inuu ka hadlo xilliga uu howgalku billaabanayo.

Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa cajalad uu dhawaan soo duubay ku sheegay in Al-shabaab ay weli ka taliyaan dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan wuxuu ugu yeeray cadow kusoo duulay dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab's leader Ahmed Abdi Godane, also known as Mukhtar Abu al-Zubair, has admitted publicly that his group's fighters have been defeated in a series of recent battles in Somalia.

“Sannadkan waxaa lagu soo qaaday mujaahidiinta Soomaaliya dagaal culus oo loo adeegsaday hub culus iyo warbaahinta si loo damiyo isku xukunta shareecada Islaamka, balse innaga waxaa naga go’an inaan ka hortagno cid walba oo doonaysa inay diinta burburiso,” ayuu ku sheegay Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr cajalad maqal ah oo uu soo duubay bishan.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa sheegay inay la beegsan doonaan ciidamada ku sugan Soomaaliya ee isugu jira AMISOM iyo kuwa Itoobiya dagaallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah si ay cududdooda u wiiqaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/28/2012 1:41 PM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, Sheekh Axmed Maxamd Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo.

12/28/2012 1:39 PM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska dalka Kenya, kaddib markii ay ku qaadeen weerar gaadmo ah.

12/28/2012 4:48 AM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb galay munaasibad lagu furayay shirweynahii Lixaad ee Dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

12/28/2012 3:17 AM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Baladweyne mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM ayaa looga hadllay arrimo dhowr ah oo quseeya nabad-galyada guud ahaan gobolka.

12/28/2012 2:32 AM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay oo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.

12/28/2012 2:23 AM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Dhakhaatiir Soomaaliyeed ayaa tababar caafimaad loogu soo gabgabeeyay dalka Turkiga, waxaana hadal u jeediyay dhakhaatiirtaas oo tiradoodu ahayd 17 ruux wasiiradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed.

12/28/2012 2:11 AM EST
Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa g go’aan adag ka qaatay ka ganacsiga iyo cunista jaadka ama qaadka, kaas oo mamnuuc ka ah dalka Koonfur Afrika iyadoo qofkii lagu qabto isagoo ka ganacsanaya ama cunaya uu muteysanayo xarig.