4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Guddoomiyaha gobolka Nugaal: "Nabaddoonnada Puntland waxay ka mud yihiin dadka, cid sharciga ka weynina ma jirto"


Khamiis, December 27, 2012 (HOL)- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay xarigga nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo ay dhowaan ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen.

Mudane Qarjab ayaa sheegay in nabadoonnadu ay bulshada kamid yihiin, islamarkaana aysan jirin cid sameyn karta wax aan sharciga waafaqsaneyn.

 

"Nabdoonadu bulshada ayey kamid yihiin, ciddii sharciga kahor timaada waa la qabanayaa, cid sharciga ka weyni ma jirto" Qarjab oo warbaahinta maxalliga ah la hadlayey ayaa yiri.

 

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in dad loo qabtay dilkii Cabdilaahi Xuseen (Gaal-dile) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, kaas oo habeen nimadii Isniinta lagu toogtey magaalada Garoowe.

 

Wuxuuna intaas raaciyey in ay laamaha ammaanku gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmey in ay falkaas wax ka ogaayeen, weli baaritaan lagu wado, dhowaanna maxkamad lasoo taagi doono.

 

Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo kamid nabadoonada ugu caansan gobolka Mudug, waxaa dhowr beri kahor loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe.

 

Xarigga nabadoonka ayaa salka ku haya arimo siyaasadeed, waxaana xusid mudan in uu qayb ka yahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhaleeceeya xukuumadda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya