4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Saraakiisha Hay'adaha Amniga Dowladda oo ka warbixiyay howgallo ay kusoo Qab-qabteen dad iyo hub kala duwan

Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay'adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixinayay howgallo xalay laga sameeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho oo lagu soo qabqabtay kooxo falal ammaan-darro ka waday degmooyinkaas iyo hub kala duwan.

Taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa oo saakay la hadlya warbaahinta ayaa sheegay in howgallada ay ka fuliyeen dhowr degmo oo ay ka mid yihiin, Hodan, Waaberi, Xamarweyne iyo Dharkeynleey.

"Ciidamada ammaanka oo isugu jiray booliis iyo nabadsugid waxay xalay howgallo ka sameeyeen degmooyinka Xamarweyne, Dharkeynely, Hodan iyo Weeberi waxaana lagu soo qabqabtay howgalladaas 15-ruux oo dhibaatooyin ku hayay dadka u nool degmooyinkaas iyo hub isugu jiray lix qoryaha AK-47 ah, laba bastoolado iyo laba baabuur oo ay wateen kooxo falal ammaan-darro ka geysata," ayuu Taliyuhu ku yiri warbixin uu saaxafadda ku siiyay Muqdisho.

Col Ereg wuxuu intaas ku daray in dadka ay soo qabqabteen ay isugu jiraan kuwo dambiilayaal ah oo dilal ka geysata Muqdisho iyo kooxo ku labisnaa dharka ciidanka oo isbaarooyin dhigan jiray xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.

Taliyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in dadka ay xalay qabteen lagu sameyn doono baaritaanno kala duwan, isagoo xusay in howgalkii xalay uu qayb ka yahay qorshe la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka caasimadda Soomaaliya oo dhawaanahan ay ka dhacayeen falal ammaanka kasoo horjeeda.

Howgalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay shalay gallinkii hore howgallo lagu qabqabtay kooxo hubeysan oo isbaarooyin dhiganaya ay ka fuliyeen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya