4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Hay’adda Samafalka ee SADO oo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ka wada howlo Nadaafadeed
Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Hay'adda samafalka ee SADO oo ka mid ah hay'adaha samafalka ee ka howgala gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa howlo nadaafadeed kawadday maalmahan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.


Howshan ayaa soo jiidatay indhaha dadka ku nool degmada Baardheere oo ay ka taliso Al-shabaab, waxaana howshan wada haween fara badan oo qashinka ka qaadaya waddooyinka iyo xaafadaha degmadaas, iyadoo qashinkaas ay magaalada ka saarayaa gaadiid kuwa waaweyn ah.

Saraakiisha haya'dda SADO ayaa sheegay in howshan ay tahay mid nadaafadda iyo bilicda magaalada lagu soo celinayo, iyagoo sheegay in howshan ay socon doonto inta magaalada laga nadiifinayo qashinka faraha badan ee dhex ceegaaga.

Xaawo Maxamed oo ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan xaafada Musawa ee ka mid ah xaafadaha degmada Baardheere ayaa sheegtay in howshan ay tahay mid si aad ah uga socota xaafadooda, waxayna sheegtay inay dareemeen nafis weyn marka loo eego qashinkii xaafadda dhex oolli jirtay.

Goobaha howshan nadaafadeed laga fulinayo ayaa waxaa ka mid ah: suuqyada, hareeha webiga, goobaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, wadooyinka, goobaha baabuurta lagu dhaqo iyo goobaha ganacsiga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay'adda SADO ay olole nadaafadeed oo noocan  oo kale ah ka fuliso deegaanka, balse tallaabadani ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dadweynahu ay baahi weyn u qabeen in laga saacido adeegyo ay ka mid yihiin nadaafadda.

Dhinaca kale, hay’adda SADO ayaa dhawaan soo gabagabeysay raashin gargaar ah oo ay ka bixinaysay tuulooyinka hoosyimaado degmada Baardheere, kuwaasoo isugu jira noocyada kala duwan ee quutul daruuriga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya