4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Booliska Kenya oo baaritaanno kawada Xaafadda Islii ee Nairobi iyo Somalida Qoxootiga ah oo billaabay in ay halkaas ka guuraan

Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa lagu soo daadiyay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii, waxayna ciidamadani dadka weydiinayaan sharci, iyagoona qabanaya qofkii aan sharci lahayn iyo weliba dadka wata sharciga qaxootiga.

Howlgalladan oo soconayay mudooyinkii ugu danbeeyay ayay ciidamada booliska Kenya ku qabqabteen dad badan, kuwaasoo isugu jira dad sharci la’aan ah iyo kuwo qaxooti ah, waxayna arintaasni ka danbeeysay kadib markii dowladda Kenya ay ugu baaqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya in ay dib ugu laabtaan xerooyinka Dhadhaab.

“Ciidamo boolis ayaa habeen iyo maalin xaafadda ka howlgala, waxayna isugu jiraan kuwo dhar cad ah iyo kuwa tuuteeysan, dadka wata sharciga qaxootiga xitaa way qabanayaan,” ayuu yiri Farxaan Faarax Cabdi oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Islii.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan ugu baaqday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya in ay dib ugu laabtaan xerooyinka Dhadhaab.

Kusimaha gudoomiyaha waaxda arimaha qaxootiga ee dalka Kenya Badu Katelo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xiri doonto dhamaan xarumaha lagu diiwaangeliyo qaxootiga ee ku yaal magaalada Nairobi, wuxuu ugu baaqay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi in ay dib ugu laabtaan xerooyinka Dhadhaab, halka qaxootiga kasoo jeeda dalalka kalena uu ugu baaqay in ay aadaan xerada Qaxootiga Kakuma.

Masuulkani ayaa sidoo kale ka codsaday hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR in ay joojiso adeegyada ay siiso dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo warbaahinta la hadlay jimcihii aynu soo dhaafnay kadib kulan uu la qaatay madaxweeynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kawada hadleen sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka dhadhaab.

“Labadeena dowladood waxay ka wada shaqeyn doonaan sidii loogu ogolaan lahaa boqollaalka kun ee Soomaalida ah ee ku nool xerooyinka qaxootiyada in ay ku laabtaan dalkooda,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Kenya iyo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan xaafadda Islii ayaa waxa walaac ka muujiyay dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada halkaasi, kuwaasoo 20-kii sano ee aynu soo dhaafnay ganacsi xoog leh ka abuuray magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Maalmihii u danbeeyay waxaa laga dareemayay xaafadda Islii barakac aad u xooggan oo ay sameynayaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi, kuwaasoo goobo kala duwan beegsanaya.

Dadka qaar ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, qaar kalena waxay beegsanayaan dalka Uganda, halka qaar kalena ay dib ugu laabanayaan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab halkaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay laga soo sheegayay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo ammaanka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya